Insha’Allah Dhawaan ayaan soo Bandhigi doonaa Account-tiga Ururka Waddaniga Soomaaliyeed.
Ururka Wuxuu Account ka furanayaa Xawilaadaha Soomaalida, Walaalayaal marka lacag aad direysaan ama aad qaadanaysaan fadlan Xusuuso walaalkaan dhibaataeysan.
-----------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------
Maxaad ku Caawin Kartaa Walaalahan Dhibaateysan?
Ninkan sawirkiisu halkan ka muuqdo waa 48jir cuuryaan ah oo aan lugo iyo gacmo toona laheyn, Magaciisa waxaa la yiraahdaa “Maxamed Fuje”. wuxuu ku noolaa Muqdisho isagoo xaaladdaas ku sugan, Dhibaato darted ayuuna uga soo qaxay.
Maxamed fuje wuxuu hadda ku noolyahay oo uu qaxooti ku yahay waddanka Keenya magaalada Nairobi, isagoon dalkiisi iyo dadkiisi toona dhex joogin,wuxuu mas’uul ka yahay 18 qofood oo isugu jira caruurtiisa iyo weliba agoon isaga la dhalatay oo wax ka sugeysa.
Maxamed gaajada iyo wax la’aanta waxaa u dheer cabsida uu ka qabo askarta Keenyaatiga ee baadda ka raba markasta oo ay qabtaan waayoo malaha sharci uu waddankaas ku daganaado.
Hadaba walaal hadii Allah (SWT) ku haleeshiiyo aakhiradaada wax u dhigo oo Maxamed ku kaalmee nolosha adag ee uu ku jiro hadda,kala soo xiriir taleefanka hoos ku qoran: (00254 711 348 343) Maxamed ayaa kaa qabanaayo Telefoonka oo aad ka wareesan kartaa xaaladdiisa.
Walaalayaal haddii aad ehelkaaga lacag uga direysid meesha Xawilaadda, walaalkaan dhibaateysan xusuuso oo intii awooddaa ah ku tuur ( $2, $5, $10, $20,$50).
Sidoo haddii aad qaadanayso lacag ay ehelkaaga kuu soo direen oo aad joogto meesha Xawilaadda fadlan xusuuso walaalkaan dhibaateysan ku reeb intii awooddaada ah ($2, $5, $10, $20, $50).
Waxaad kaloo Xaaladda Maxamed kala soo xiriiri kartaa Ururka Waddaniga Soomaaliyeed oo aad u soo marsiin kartaa wixii kaalmo ah oo aad u soo direyso
Wabillaahtowfiiq.__Telephone__00254711348343___MAXAMED___FUJE_______
Abdulkadir Sheikh Ali (Shukry) ------- London ----- UK
Xubin Ururka Waddaniga Soomaaliyeed
Shukry09@hotmail.com
Waaxda Arrimaha Qaxootiga Ururka Waddaniga Soomaaliyeed.
info@waddaniga.org www.waddaniga.org
--------------------------------------------------------------------------------
--------------------------------------------------------------------------------
--------------------------------------------------------------------------------
MUXUDIIN CUMAR MAXAMUUD waa wiil somaliyeed oo ku dhibaataysan gudaha Magaalada Muqdisho Walaal Ma caawin Kartaa wiilkaan Dhibaateysan
MUXUDIIN CUMAR MAXAMUUD waxuu la il daran yahay cudur dhinac kaga dhacay wuxuuna ka dhashay qoysas somaliyeed oo danyar ah Muxudin wuxuuna dagan yahay Magaalada Muqdisho waana agoon aan heli Karin nolol maalmeedkiisa, wuxuuna mudo ahaa naafo lug iyo gacan ah maan shaqeysan karo sida aad sawirka ku aragtaan
MUXUDIIN CUMAR MAXAMUUD wuxuu si naxariis leh uga dalbaday in laga caawiyo lixaadkiisa kala dhantaalan in dhaqtar dibada ah la geeyo wuxuuna sido kale dalbaday in dhamaan hay’adda gargaarka iyo muslimiinta aduunak daafihiisa joogo iyo shacabka Soomaaliyeed cidii wax heli karta sida ganacsatada, Jaaliyadaha dibeda, iyo shaqsiyaadka kale ilaah wax siiyey in ay ka taakuleeyaan sidii uu u heli lahaa wax uu ku noolaado iyo sidii uu u heli lahaa dhaqtar dibada ah
Isaga oo la hadlayey dadka somaliyeed codkiisana u so marsiiyey Ururka Waddaniga Soomaaliyeed wuxuu yiri:
Anigoo ah:
MUXUDIIN CUMAR MAXAMUUD oo ah nin Muslim ah, da’dayduna tahay 25 sano jir, lana xanuunsan muddo dheer cudurka cuuryaanimada “Neervo” oo jirkayga saameeyay dhinaca bidix ee jirka ilaa dhabarka dambe iyo weliba dhinaca hoose.
Kaddib baaris takhtarka oo soo caddeeyay in cudurkan dalka gudihiisa aan waxba looga qaban karin uuna u baahan yahay in dibadda lagu soo daweeyo ayaa anigoo ah nin ka soo jeeda qoys faqiir ah, isla markaana aan awoodin inaan dibadda igu soo daweeyaan, taasi oo kalliftay inaanan helin wax fursad ah oo daawo dibadeed aan ku heli karo.
Sidaas darteed, waaxan Ummadda Islaamka oo dhan meel kasta ha joogaane aan si xushmad iyo naxariis leh uga codsanayaa inay il raxmad leh ku fiiriyaan dhibaatadaas i haysato sidii aan uga bixi lahaa.
Codsigan wuxuu yahay in la ii fidiyo kaalmo bini’aadanimo ah ee ku saabsan kharashkii daweyntyeda oo dibadda ku baxaayay.
Fadlan igala soo xiriira taleephonadaan
00252-1-5576666
00252-50-90766
Mahadsanidin
Qore: Muxudiin Cumar Maxamuud
Walaalayaal haddii aad ehelkaaga lacag uga direysid meesha Xawilaadda, walaalkaan dhibaateysan xusuuso oo intii awooddaa ah ku tuur ( $2, $5, $10, $20, $50).
Sidoo haddii aad qaadanayso lacag ay ehelkaaga kuu soo direen oo aad joogto meesha Xawilaadda fadlan xusuuso walaalkaan dhibaateysan ku reeb intii awooddaada ah ($2, $5, $10, $20, $50).
Waxaad kaloo Xaaladda Maxamed kala soo xiriiri kartaa Ururka Waddaniga Soomaaliyeed oo aad u soo marsiin kartaa wixii kaalmo ah oo aad u soo direyso
Waaxda Arrimaha Qaxootiga Ururka Waddaniga Soomaaliyeed.
info@waddaniga.org www.waddaniga.org