Kullan ku saabsan Qorshaha Ururka iyo soo dhaweynta
xubnaha cusub oo ka dhacay Magaaalada Muqdisho

KULAN KU SAABSANAA QORSHAHA IYO SOO DHOWEYNTA XUBNAHA CUSUB OO KA DHACAY BUULO-XUUBEY – OSPAD OFFICE, MAALMAHA KHAMIISTA, 4 FEBRAAYO, 01:00 PM IYO JIMCAHA, 19 FEBRAAYO 09:00 AM 2010,

AJENDAYAASHA

1. Isbarasho
2. Warbixin ku saabsan Ururka Waddaniga Soomaaliyeed
3. Dhammaystirida xubinnimada xubnaha cusub
4. Dhisida koox shaqo
5. Xilliga kulanka xigga

Shirka waxaa soo xaadirtay

1. Max’ed Xasan Jinaax, Shirguddoon
2. C/raxiin Max’ed Muunye
3. Khaalid Aadan Ciise
4. Abuukar Xasan Xuseen
5. Shugri Axmed Max’ed
6. Muno Cabdi Sh.Max’ed
7. Caa-isho Cali Cabsiiye
8. Ayaan C/raxmaan Cali
9. Max’ed Abshir Faarax
10. Max’ed Sh.Cabdi Macquul
11. C/fitaax Max’ed Muthane

NATIIJADII KA SOO BAXDAY SHIRKA

1. Isbarasho/Soo Dhaweyn

Kulanka waxa uu ku bilowday jawi degan; waxaana ka soo qeybgalay dhammaan xubnihii la ogeysiiyey ajendayaasha laga doodayey. Ujeedada ugu weyn ee loo qabtay kulankan waxay ahayd, isbarasho dhex marta xubnaha Ururka Waddaniga Soomaaliyeed u jooga Muqdisho iyo Hanaa Cabaas – oo ah xubin Ururka Waddaniga Soomaaliyeed oo ka timid dalka Suudaan. Waxa kaloo ka mid ahaa ujeedooyinka kulanka laga lahaa, in si ay ku jirto waddanninimo loo soo dhaweeyo Hanaa Cabaas.

Xubin kasta oo shakhsi ahaan iska warbixiyeen; waxayna muujisay in ay ku faraxsan tahay kulankan, oo uu u yahay mid ka duwan kulamadii hore; waayo waxa nagala qeybqaadanaya xubin ururka ah oo in badan email lagu wada xiriiri jiray, laakiin maanta si toos ah noola fadhida.

2. WARBIXIN KU SAABSAN URURKA WADDANIGA SOOMAALIYEED

Waxa warbixin faahfaahsan shirka ka soo jeediyey qaar ka mid ah xubnihii horey u joogay Muqdisho – Soomaaliya, sida Max’ed-Jinaax iyo Max’ed-Macquul.

Max’ed-Jinaax, waxa uu xubnaha cusub uga warbixiyey ujeedooyinka Ururka Waddaniga Soomaaliyeed. Waxa kaloo Mr Jinaax shirka ka sheegay howlaha muhiimka u ah ururka, sida isu-ururinta waddaniyiinta Soomaaliyeed eek u kala baahsan daafaha dunida, taakulaynta shacabka Soomaaliyeed ee tabaalaysan meel kasta oo ay joogaan, taakulaynta shacabka Soomaaliyeed eek u barakacay guddaha dalka Soomaaliya iwm.

Max’ed-Macquul, ayaa isgana ka warbixiyey cida ay yihiin xubnaha sheegta Ururka Waddaniga Soomaaliyeed. Waxa Mr Macquul sheegay, in ay yihiin xubnaha ku kulansan Ururka Waddaniga Soomaaliyeed waddaniyiin Soomaaliyeed, oo ku midoobay in la hanba qabto shacabka Soomaaliyeed ee dagaalada micno la’aanta ahi halakeeyeen. Waxa Mr Macquul ku baaqay, in Ururka Waddaniga Soomaaliyeed ka dhabeeyo ujeedooyinkiis cadcad ee loo aas-aasay.

3. DHAMAYSTIRIDA XUBINNIMADA XUBNAHA CUSUB

Waxa shirka lagu falanqeeyey, in xubnaha cusub loo dhammaystiro, wixii documents ah ee la xirriira xubinnimadooda. Xubnaha cusub, sida qaarkood shirka ka sheegeen, waa ay heleen dukumiintiyadii ay u baahnaayeen, sida foomka xubinnimada. Laakiin, xubnaha qaar, waxa ay shirka ka sheegeen, in ayan helin documentsyadii ay u baahnaayeen, sida foomka xubinnimada. Waxa xubnaha shirka ka soo qeybgalay isku wada raaceen in la da-dajiyo dhammaystirida dhammaan waxyaabaha looga baahan yahay xubnaha cusub.

4. DHISIDA KOOX SHAQO

Shirka waxaa lagu go’aansaday, dhisida koox shaqo, oo ka kooban saddex xubnood ee xubnaha cusub ee hadda ku soo biiray Ururka Waddaniga Soomaaliyeed. Waxa qasbay in kooxdan shaqo la magacaabo, jiritaanka qorshayaal shaqo oo xubnaha cusubi damacsan yihiin in ay ku dhaqaaqaan. Waxaan isku wada raacnay, in kooxdan shaqo ay la samayn karto xiriir toos xafiiska dhexe ee Ururka Waddaniga Soomaaliyeed. Xubnaha kooxdan shaqo waa:

1. Max’ed Abshir Faarax “Qalinle” (Team leader)
2. Muno Cabdi Sh.Max’ed (Ku xigeenka 1aad)
3. Ayaan C/raxmaan Cali “Ayaan-Suudaan” (Ku xigeenka 2aad)

5. UJEEDOOYINKA KOOXDA SHAQO

Hirgalinta survey ku aadan qorshayaasha xubnaha cusub eek u wajahan howlaha Ururka Waddaniga Soomaaliyeed
Diyaarinta warbixin ku saabsan sahanka
• Baahinta warbixinta sahanka, oo la gaarsiiyo cida ay qusayso
U ololaynta waxqabad u badalida natiijada sahanka
Joogtaynta xiriirka wada-shaqayneed ee ka dhexeeya kooxda shaqo iyo ururka intiisa kale

6. XILLIGA KULANKA XIGGA

Iyadoo la tixgalinayo, xaalada guud ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan mida ammaan, waxa xubnaha isku wada raaceen, in shirka xigga la isugu yimaado marka ay timaado baahi deg-deg ah.

Max’ed Xasan Jinaax (Shirguddoon)
uws/min./004/005/ 2010