15 MAY, 1943 ---- SYL (Somali Youth League)
15 MAY, 2008 -- UWS (Ururka Waddaniga Soomaliyeed)

SYL – 15 May, 1943
Sanad kasta bisha May 15keeda waxaa dalka Soomaaliya laga xusaa aasaaskii xisbigii gobanimo-doonka ahaa ee SYL, kaasoo ahaa kii ugu horeeyay ee dalka laga furo, kaasoo ay aasaaseen Dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku midoobay Mowqif waddaninimo iyo Mowqif Soomaalinimo, dhallinyaradaas isuguma soo xirmiin qaab qabiil iyo dano gaar ahaaneed intaba.

Waddanka Soomaaliya wuxuu muddo dheer ku jiray Gumeysi kala nooc ahaa, wadamadii markaas Soomaaliya xoogga ku haystay oo gumaysanayey waxaa ka mid ahaa: Ethiopia, Italy, British, France iyo Portugal. Dhulkii Soomaaliyeedna waa kala qaybsadeen oo Gumeyste kasta qayb ayuu xoog ku haystay. Marxaladdaas gumeysi oo adag iyadoo lagu jiro ayaa dhallinyaro Soomaaliyeed oo waagaas ka danqaday marxaladdii gumaysiga ayaa waxay isku keeneen fikir ah sida looga bixi karo marxaladda gumaysiga, xornimana looga qaadan karo. Sidee ayuu ku yimid Fikirka SYL?

Dhowr bilood ka hor 15kii May, 1943, labo dhallinyaro oo saaxiibo isku fog ahaa oo kala ahaa “Cabdulqadir Sakhaawaddiin” iyo “Yaasiin Xaaji Cusmaan Sharmaake” ayaa waxay isweydaarsadeen fikrado la xiriira nidaamka gumaystaha iyo sida looga bixi karo. Fikradahoodii waxaa ku biiray dhallinyaro kale, waxay talo is weydaarsadaanba waxay soo jeediyeen 3 go’aan oo kala ah:

1- In la aassaaso Jimciyad Islaami ah oo ummadda mideeya, si loogu dhaqmo Shareecada Islaamka, gumaystahana meel looga soo wado jeesto.
2- In la aasaaso Xisbi siyaasadeed oo shacabka oo dhan metala, loogana gudbo qaabka iyo nidaamkan beelaha ku dhisan.
3- In la aasaaso Naadi ay ku kulmaan dhallinyarada iskuna bartaan, wax isku baraan, iskuna Faa’ideeyaan sida Luqadda Ingriiska, Talyaaniga, Carabiga waddaninimada, macnaha dowladnimada iyo macaanka xornimada.

Kulankii ay dhallinyarada ku aasaaseen Naadiga ayey si wada jir ah codsi u qorteen waxayna isku raaceen 3 Qodob oo kala ah:-

• In xukuumadda Engriiska ee dalka gumeysata loo qoro codsi ay ku doonayaan in ay furtaan Naadi la yiraahdo SYC. (Somali Youth Club) oo dhallinyarada ku kulanto. Soomaalida dhexdeeda iyo Qalbigaba ka ah SYL.
• In la kireeyo Guri u qalma howlaha dhalinyarada ee lagama maarmaanka u ah soona jiidan kara dhalinyarada.
• In la dejiyo barnaamij ku meel gaar ah oo dabooli kara qorshaha shaqo ee loo baahanyahay lagama-maarmaana u ah howlaha dhaliyarada.

Markii ay qoreen codsigii ayey 13kii dhalinyaro waxay abbaareen xafiiskii Madaxii isticmaarka ee Engriiska u fadhiyay Muqdisho waxyna u gudbiyeen codsigoodii, iyadoo qaar ka mid ah dhalinyaradaas ay qabeen in fekerkooda guuleysan doono halka qaarna ay qabeen wel wel ah inay xarig muteysan doonaan, laakiin wuxuu ugu jawaabay oraahdii caanka baxday ee aheyd:-

(Waxaad ka kooban tihiin dhallinyardiina qabiillo kala duwan waxaana hubaal ah in aadan kuwada hishiin Karin feker iyo ra’yi toona, aniga waxaan idiin arkaa dhurwaayo iyo ari mooro lagu wada xareeyay, sideed naadi ugu hishiin kartaan khilaaf la’aan.) Hadalladaas niyo jabka ahaa ma beddelin mowqifkii Dhallinyarada oo qalbigooda uu ku xoogganaa Qiiro Waddaninimo. Hase yeeshee, dhalintii 13ka aheyd oo aan hadal kulul ku celin Karin madaxa mustacmaradda ayaa si fudud ugu jawaabay , Hadalkaada waxaan ka dhiganeynaa cashar aan ka faa’iideysano, waxaana barbaarin doonnaa Dhurwaayada, si aysan ariga u cunin, mana fogaan doonto in aad aragto anagoo ku wada nool Naadiga oo aan wax muran iyo khilaaf uusan ka dhex jirin.

Maalmo ayey jawaab ka sugayeen ka dibna waxaa la soo gaarsiiyay warqad lagu xusay in Engriisku uu hadda ku jiro dagaal uusanna u baahneyn in siyaasadda la farageliyo, balse loo ogolaaday in ay furtaan naadi dhalinta ay ku kulmaan waxna ku bartaan. Kulankii ugu horeeyayba waxay iska dhex doorteen madaxdii hoggamin laheyd naadiga. Sheikh C/qaadir Sh. Sakhaawadiin ayay guddoomiye u doorteen halka Xaaji Maxamed Xuseen iyo Maxamed Xirsi Nuur (Siidii) loo doortay ku xigeeno, iyadoo Yaasiin Xaaji Cusmaana loo doortay Xoghaye. » Click here to continue SYL page-2

« Back to home page

 

Account Ururka



Ururka waddaniga Soomaaliyeed waxaa lagu dhawaaqay, 15kii May sannadka 2008
All Rights Reserved. Copyright 2008 -- Waddaniga.org