Xubnaha Golaha fulinta UWS



Ururka Waddaniga Soomaaliyeed
oo Iftiinkoodii soo xoogeysanayo

Wareysiyo Taxane ah

Ifraax Yusuf oo ah Madax Arimaha Bulshada UWS ayaa waxay soo bandhigeysaa wareysiyo xiiso badan oo ay la yeelanayso

Barnaamijyada iyo Warsaxaafadeedyada Ururka Waddaniga Soomaaliyeed

Ururka Waddaniga Soomaaliyeed oo ka qeyb galay Shirka Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Dalka Holland

Latest Videos
# of visitors Since April 2009: 100278
Xaflad Qalinjabin ah oo ay soo
qabanqaabiyeen UWS oo ka dhacday
Magaalada Karachi ee Dalka Pakistan


Kulan ku saabsan qorshaha Ururka iyo soo dhaweynta xubnaha cusub oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Xaflad balaaran oo UWS ay u qabteen
Jaaliyadda Soomaalida ee Suuriya



Dhagayso Fariinta Waddaniga:
qeybtii 1aad.

News Text
Hambalyo, Hambalyo
Sanadguurada 2aad ee Ururka Waddaniga Soomaaliyeed
May 15, 2010
UWS wuxuu u dabaaldegayaa Sanadguuradiisa 2aad oo ku beegana May 15, 2010. xaflado si wadajir ah loogu xusaayo maalinta SYL iyo UWS ayaa waxay ka dhacayaan dhamaan Xaruumaha UWS ee Soomaaliya gudaheeda iyo Caalamk. Insha’Allah


Baaq ku socda dhamaan Waddaniyiinta Soomaaliyeed: by Zahra Abdi Hersi

  hiiraan.com
 
kulanka.com
 
dalkanews.com.
 
mogadishutimes.com
 
somalisan.com
 
somalfans.com"
 
mbali.info
 
xogta.com
 Siirada Rasuulka(scw)
 
Altaqwaa.com
 Aflax.Net
 Anasheed.com
 Waaniye.com
 Muslim Kids.com
 Daarul Xadiith.com
 Tawfiiq Masjid.net
 Boqolsoon.com
 Qardhaawi.com
  Mogadis. University
  Somalia University
  Hargeisa University
  Kismayo University
  Malaysia University
  Cairo University
  Makerere University
  Nairobi University
  Khartoum University
Dardaaran waa qiso Jacayl waxaa qortay

Qiso jacayl ah
Qaybtii koowaad:

Maxaad ku barideen, side tihiin ayay Hooyo Barni hadal ugu bilowday Guuleed ka dib markii uu albaabka ka furay."Hooyo alxamdulillaah, Ilaah ayaa mahad iska leh, maxaad isku soo dhibtay" ayuu si xushmad iyo dhawris ka muuqato ku soo dhoweeyay soddohdiisa, iiga warran Sucdi, xalay side ayay ahayd"ayay Hooyo Barni ku tiri Guuleed iyadoo guriga hore u sii galaysa, runtii hooyo aad ayay uga soo kabanaysa, waxaa mahad iska leh Ilaahay",ayuu yiri:Guuleed.

Hooyo Barni ayaa sidii ay u sii socotay abaartay qolkii ay jiiftay Sucdi, Alle hooyo maxaad isku soo dhibtay" ayay Sucdi hadal ku furtay iyadoo ka muuqato farxad iyo niyadsan,maxaa ku jaban haddii aan in yar idiin soo lugeeyay, shalay ayaa isugu kaaya dambaysay, waana igu waajib in aan idinka soo war doono ayay Barni gabadheedii ku tiri,"hooyo maxaad cabbaysa" ayay weydiisay Sucdi hooyadeed, wixii yaal uun, waxaanse jeclaan lahaa in aan helo koob biyo cad ah,Guuleed macaane hooyo biyo ula soo orod ayay Sucdi ninkeedii ka codsatay.

Markii ay in muddo ah isla joogeen hooyo Barni iyo gabadheeda Sucdi ayay macasalaamaysay hooyo, waxaana ilaa illinka laga baxo u sii dhoweeyay Guuleed. Markii uu ku soo noqday Guuleed, Sucdi oo weli ku jiifta sariirtii uu ku ogaa ayuu weydiiyay Sucdi xaalka hooyo, maadaama ceshooyinkan ay meelo badan ka yara sheeganaysay, waxay Sucdi u sheegtay Guuleed in xaalku uu weli sidii yahay oo aan waxba iska beddelin, markaas ayay waxay raacisay " waan ka xumahay in ay hooyaday noqoto minweyn, weligey kuma aanan fekerin aabbe ayaa hooyo la guursan doona, waayo dhibaatadii ay igu soo korisay ayaan ogahay, Alla odayaasha Soomaaliyeed markii ay da’ noqdaan maxay iskugu maleeyaan in ay yihiin doob aan weligood guursan" Guuleed ayaa wuxuu la soo booday "haweenkaba markii ay weynaadaan waxaa ka tagta naxariista ay u hayaan raggooda" Sucdi ayaa iyadoo ka caraysan hadalka saygeeda kula soo booday "kolley haweenku dhaqan uma laha in ay ka tagaan raggooda saba la’aan.

"Ragga waxaadba moodda markii ay waynaadaan wiil doob ah oo waxay u dhaqaaqaan sidii ay gabar yar u guursan lahaayeen, taas ayaaba ah wax lala yaabo nin marwadiisa markii uu ku ag duqoobay ka taga oo ka sii durka meeshii laga rabay in uu u soo dhowaado" Guurka badan ragga, Ilaahay ayaa u banneeyay waa ku sidee xabiibi ayuu ku yiri Guuleed isagoo dhoolacaddaynaya. "waxa ay sameeyaan odayaasha Soomaaliyeed guur uma aqaano ee waxaan u aqaanaa khiyaano iyo dambi la urursanayo"ayay Sucdi ku soo celisay ninkeedii.

"dembiga la garaye maxaad ka waddaa khiyaanada xabiibi" ayuu waydiiyay Guuleed "khiyaano waxaan ka wadaa in uu oday guursado gabar aad uga yar, waa adag tahay ninkaas in uu ka soo baxo waajibkiisii oo uu ka qanciyo meelo badan gabadhaas, dembiga dabcan waxa uu ka galay xaaskiisii oo uu cidlo uga tegay waxuu ku fekeray in uu ku yiraahdo waxaa ila kaa qeybsanaysa haweenay kale, ka dib markii ay ku dhammaysay muruqeedii iyo maskaxdeedii intaas oo sano. Aniga shaqsi ahaan 100% aad ayaan uga soo horjeeda ragga haweenkooda la guursada haba u sii darnaadeene odayaasha ayay ku soo af jartay Sucdi hadalkeedii. "is deji haddii aanu nahay ragga guurka waa naloo

oggolyahaye" ayuu ku yiri Guuleed isagoo xoogaa cayaar ka muuqato, "haye ma waxaad adigana rabtaa in aad sidaas oo kale sameysid oo intaad naag kale guursato hadhow cidla iiga dhaqaaqdid? ogoow maalinta aad sidaas sameysid in ay noo kala dhammaatay, ayay Sucdi cod caraysan ku tiri, "waa mid aan dhici karin in aan inta aan noolahay kula damco dumar kale " xitaa haddii aad dhimato niyaddaydu awood uma laha qof kale"ayuu ku qanciyay xaaskiisii Guuleed isagoo ka naxsan hadalka marwadiisa.

"waan kula kaftamaayay raalli iga noqo, dabcan haddii aan noolahay iyo haddii aan dhintoba xor ayaad u tahay wixii aad doonto"ayay Sucdi tiri, iyadoo xoogaa dambiile iskula muuqata "sideen xor u ahay adigaaba i lehe, xor ma’ahi mana noqon doona insha Allaah ayuu yiri Guuleed isagoo ku soo dhowaanaya xaaskiisa, wuxuu kaloo taas u sii raaciyay "maalintii aan ku bartay ayaad waxaad igu iibsatay qiimo aanan weligey bixin karin, marka xor waqti ayaan ahaan jiray hadeerse ma’ahi" "waxa aan kugu iibsaday muxuu yahay"ayay Sucdi weydiisay ninkeedii "ma doonaysa in aad ogaatid" ayuu Guuleed weydiiyay Sucdi "haa bal ii sheeg ma ogiye" ayay tiri iyadoo xoogaa dhagaha taagaysa Sucdi "waa JACAYL" ayuu ku qayliyay Guuleed, Sucdi ayaa isku yara xishootay jawaabna aan ka bixin hadalkii ninkeeda Guuleed . .
» Click here to continue Qiso Jacayl_2aad


OGEYIIS, OGEYSIIS;
waxaa soo baxay Wargayska
CODKA WADDANIGA
Baar Waddaniga.org Kaliya
Online Membership Soomaali Map
Profile-ka Ururka
Dastuurka Ururka ...


Xubnaha Sanadka

UWS wuxuu magacaabay xubnaha Sanadka 2008 - 2009


Waaxda Waxbarashada

Halkaan kala soco Barnaamijyada waaxda Waxbarashada

Waaxda Warfaafinta UWS
Waaxda Qorshaynta UWS
Waaxda Gargaarka UWS
Waaxda Maaliyadda UWS


Dood cilmiyeed loogu magac daray “Doorka aqoonyahanka iyo bad baadinta dalka iyo dadk


Hees loo tiriyey UWS
waxaana Sameeyey Abdullahi Maxamed Axmed (Kullane)


MAXEY TAHAY DANTA DADWEYNAHA SOOMAALIYEED
Waxaa Qoray: C/wahaab C/qaadir (Carab)


AWOOD LA ISKUGUMA FAANO
Waxaa Qoray: C/wahaab C/qaadir (Carab)


Doorka Dhalinta & Arimaha Cakiran ee Dalka


MA LA DABARGOYN KARAA QABIILKA IYO QABYAALADDA?
WQ: Yuusuf-bile Cabdi Maxamed


Beentii ayaa Rumowday!
by: Zahra Abdi Hersi


Maxaa ku jaban haddii aan ku hadlo magaca waddankayga?
by: Zahra Abdi Hersi


QURBO WAA QARAN DUMIS !


Waddani iyo Wadaniyad
WQ: Maxamed Mosul


Zahra Abdi Hersi
Waa sidee dhaqanka Soomaalida ku nool waddamada reer galbeedka


dhibatoyinka haysta dhalinta somaliyeed iyo waxa xalka u noqon kara


fariin kusocota dhalinyarada soomaaliyeed


Baro Dalkaaga Hooyo
by: Abdullahi Mohamed Ahmed "Kullane"


DHOOL BARI KASOO BAXAY ... waa gabay guubaabo u ah bahda ururka waddaniga oo uu tiriyey


WAA MAXAY NABAD?


Ogeysiis ku socda Xubnaha Cusub ee doonaya inay ku soo biiraan UWS


SOMALI NATIONALIST ORGANIZATION (Profile and Background Information)

Ururka waddaniga Soomaaliyeed waxaa lagu dhawaaqay, 15kii May sannadka 2008
All Rights Reserved. Copyright 2008 -- Waddaniga.org
Design by kwwebservice