XAFLAD BALAARAN OO URURKA WADDANIGA SOOMAALIYEED AY U QABTEEN SOOMAALIDA SUURIYA

Xafladda Ururka Waddaniga Soomaaliyeed ee Dalka Suuriya

Jaaliyada Soomaaliyeed ee Dalka Suuriya ayaa xalay wacdaro ka-dhigay munaasabad ay soo qaban-qaabiyeen Ururka Waddaniga Soomaaliyeed, xafladaan ayaa looga hadlay qodobo ay ka mid-yihiin, sidii loo baraa-rujin-lahaa Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku-dhaqan dalka Suuriya iyo daafaha Dunidda,

Zahra Cabdi Xirsi oo ka mid xubnaha ugu fir-fircoon ee Ururka Waddaniyiinta Soomaaliyeed oo barnaamishkaan isku soo duba-riday,ayaa mahad-balaaran u soo jeedisay dhamaan intii ka qeyb-qaadatay qabsoomida xaflada, qaasatan ,b>Marwo Muxubo Faarax Wariiiri iyo Khadiijo Sheekh Axmed Jimcaale. waxaana munaasabadan ka soo qeyb galay,Waxgarad ,Odayaal, dhalinyaro,iyo Haween ka tirsan Jaaliyada Soomaaliyeed ee Dalka Suuriya iyo marti-sharaf qurbaha ka-timid oo iyagu muujiyay habeenkii xaleyto-ahaa isku-duubni iyo wadaninimo.

Munaasabadaan oo ay ka hadleen mas'uuliyiin ay ka mid yihiin, Sayid-Cumar,Nabadoon C/qaadir Sanka,Gaashaanla sare Boos,Abwaanad Zahra Talyaani iyo Gudoomiye ku-xigeenka 2aad ee Ururka Wadaniga Soomaliyeed Zahro Cabdi Xirsi ayaa ku baraarujiyay dhamaantood ka soo qeyb-galaayaashii xaflada,inay gacmaha is-qabsadaan una guntadaan sidii loo wacyi-gelin-lahaa dhalinyarada Soomaaliyeed, isla-markaana waxay ka codsadeen umadda Soomaaliyeed inay taageeraan Ururka Wadaniga Soomaaliyeed oo ay ku bahoobeen dhalinyaro Muwaadiniin ah

Waxaa xusid mudan in Jaaliyada Soomaliyeed ee Dalka Suuriya markii oogu horeysay muujiyeen isku-duubni iyo wadajir,inkastoo uusan kasoo qeyb-gallin Safiirka Soomaaliya Maxamuud Muuse (tareey) waqtiga oo usaamixi waayay awgeed, balse xafladaan ayaa ahayd mid kubeertay dhamaan bulshada soomaaliyeed ee dagan magaalada Dimishiq farxad iyo yididiilo cusub oo usoo bidhaantay bulshada soomaaliyeed, xubnihii kasoo qayb galaynay waxay u hambalyaynayeen Marwo Zahro Abdi ( gudoomiye kuxigeenka ururka) iyo dhamaan bahda ururka waddaniga soomaaliyeed, waxayna u rajaynayeen guul iyo horumar

Ururka waddaniga soomaaliyeed
soomaalibaanahay@hotmail.com
info@waddaniga.org