Xaflad lagu sagootinaayey Gudoomiye ku xigeenka Golaha Fulinta ee Ururka waddaniga soomaaliyeed oo ka dhacday dalka suuriya
Xafladaas oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa markii u horaysay lagu furay Aayadaha Qur’aanka Kariimka oo uu akhriyay ,b>Maxamuud Axmed qori.
Quraanka ka dib ayaa waxaa la gudo galay barnaamijkii xaflada ayadoo uu halkaas hadal qiiro leh uu kasoo jeediyay Maxamed Shiikh cabdi cilmi oo ka mid ah xubnaha Ururka ayadoo hadalkii uu jeediyay Maxamed shiikh cabdi kicisay shucuurtii dhamaan dadkii ka soo qaybgalay xaflada ayadoo qaarkood ay suuxeen qiiro daraadeed qaarna ay ilmeeyeen oo la arkayay ayadoo ay ilmo soo dhaaftay indhahooda.
Ka dib waxaa hadalkii qaatay Maxamed Amiin Omar (Laatiqiya) oo ah wakiilka Ururka Waddaniga soomaaliyeed ee wadanka suuriya isagoo halkaas kasoo jeediyay hadalo qiimo badan oo iskugu jiray dhiirigalin dhamaanba waddaniyiinta soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan iyo inay xasuustaan wadankoodii hooyo dhibaatada ka taagan oo aan ilaa hada soo afjarmin.
intaas ka dib ayaa waxaa sidoo kale hadal ka soo jeediyay cabdifitaax warsame rooti oo ah ninka u qaabilsan safaarada soomalida ee turkiga qaybta ganacsiga asagoo halkaas ka jeediyay hadalo qiimo badan oo waddaninimo ku jirto asagoo islameeshii ku cadeeyey inuu diyaar u yahay inuu xubin ka noqdo Ururka waddaniga soomaaliyeed uuna aad ula dhacay habka isku xirnaanta ururka .
waxaa iyaduna hadal ka soo jeedisay Maamo Jamaalo Axmed Xaamud oo ka mid ah Ururka waddaniga soomaaliyeed ayadoo sheegtay inay dhamaan Soomalida meel kasta oo ay joogaan u soo jeedinayso inay wadankooda xasuustaan ilaahna uga baryaan inuu ilaahay wadankooda u dajiyo ayadoo sidoo kale ka soo sheekaysay ururkii dhaliyay xornimada dalka soomaaliyee SYL ee la aasaasay 1943 oo ay usoo joogtay waayihiisii.
waxaa kaloo halkaas ka hadlay Maxamuud Axmed qori oo ka mid ah UWS qaybtiisa suuriya asagoo u dardaarmay dhamaan dhalinyarada inay u soo jeestaan siday dalkooda u dajin lahaayeen qayb libaax lehna uga qaadan lahaayeen nabada dalka iyo isku keenida dhamaan dadka somalida ah meelkasta oo ay joogaan.
ugu danbayntii waxaa halkaasi khudbad dheer oo dardaaran ah halkaas kasoo jeediyay Cabdullaahi Yalaxow Malin (Shariif) wuxuuna ka mahad celiyay sida wanaagsan ee suuriya loogu soo dhaweeyay looguna sagootiyay isagoo intii uu joogay dhawr fadhi ku qabtay magaalada Dimishiq oo iskugu keenay dhamaan xubnaha ururka ee ku sugan dalka Suuriya iyadoo intii uu joogay ay ku soo kordheen Ururka dad aad u fara badan walina ay socoto ku soo biirista Ururka, asagoo qiray suuriya inay tahay meesha Ururka ugu farabadan marka lagu daro inta maalin walba ku soo biiraysa oo fahantay ujeedada Ururka iyo wixii loo aas aasay ka dib markii uu dhawr jeer ka bixiyay dalka suuriya warbixin iyo wacyigalin.
sidoo kale waxa uu xusay inay si wanaagsan iskugu xirantahay bulashada ku dhaqan dalka suuriya asagoo mahad gaara u jeediyay xubnaha ururka guud ahaan gaar ahaana kuwii soo abaabula xaflada sagootiska oo ahayd mid aad u qiiro badan.
xafladan oo ku dhamaatay jawi wanaagsan ayaa waxaa Camero Man ka ahaa Axmed Maxamed Cali (Bajuu) iyadoo uu xiiririye ka ahaa Suxufi Sare Maxamed Jaamac Nuur(Waran)
Maxamed Jaamac Nuur(waran)
Dimishiq, Suuriya
Maxamedjn@hotmail.com
Daawo sawirada Xafladda
|