Shirkii Ururka Waddaniga Soomaaliyeed oo ka dhacay Magaalada Dimishiiq ee Dalka Suuriya
Shir ay isugu yimaadeen dhamaan xubnaha Ururka Wadaniga Soomaaliyeed ee ku sugan dalka suuriya ayaa waxa uu ka dhacay Xaafada Tell ee magaalada Dimishiiq, shirkaan oo ahaa kii ugu waynaa ee ay ku kulmaan dhamaan xubnaha ururka wadaniga soomaaliyeed ee dalka suuriya ayaa waxaa looga hadlayay dhawr ajande oo ay ugu muhiimsanaayeen in xubnaha ururka wadaniga soomaaliyeed ay soo doortaan xubin hogaamisa qaybta Dimishiq.
Wadahadal iyo isbarasho ka dib Xubnihii hore iyo Xubnaha cusub ayaa waxaa la gudo galay sidii loo dooran lahaa Wakiilka UWS iyo ku xigeenkiisa ee dalka Suuriya iyo qaabka ay u dhici lahayd doorashada.
Shir gudoonka shirka ayaa ahaa Cabdulaahi Yalaxoow (shariifka) oo ah Gudoomiye kuxigeenka Golaha Fulinta ee ururka wadaniga soomaaliyeed isaga oo booqasho gaaban ku jooga dalka Suuriya, kana yimid dalka Sweden oo uu degan yahay.
Shariifka wuxuu ka cududaartay inuu wax cod ah ama saamayn ku yeelan doorashada asagoo yiri anigu ma aan ihi reer Suuriya waase noqon doonaa Insha’Allah, markaa idinka ayaa isdooranaya anigu goobjooge ayaan ahay ayuu Shariifka yiri. waana ay ka aqbaleen dhamaan xubnihii Ururka Wdadaniga Soomaaliyeed ee goobta shirka fadhiyey.
Wada hadal dheer ka dib ayaa waxaa la isku afgartay inay Doorashada isku soo sharaxaan 2 qofood oo ah qof ka socda dhanka Wiilasha iyo qof ka socota dhanka Haweenka. Waxaa kaloo la isku afgartay in Doorashada lagu codeeyo qaab gacan taag ah.
Waxaana ugu danbayntii doorashada ku soo baxay Maxamed Cumar Cali oo loo doortay wakiilka Ururka Wadaniga Soomaaliyeed asagoo ku helay inta badnayd codadkii la qaaday, waxaa ku xigeen loo doortay Muxubo Faarax wiriiri oo ayaduna noqotay ku xigeenka wakiilka Ururka Wadaniga Soomaaliyeed ee Suuriya.
Doorashadii ka dib ayaa waxaa shirka hadalo gaaban ka soo jeediyay wakiilka cusub ee UWS ee suuriya Maxamed Cumar Cali asagoo sheegay inuu ku faraxsanyahay xilka loo doortay uuna ku dadaali doono sidii uu howshaas adag uga soo bixi lahaa.
Waxaa sidoo kale hadalo dardaaran ah ka soo jeedisay goobta shirka Hooyo Jamaalo Shiikh Xaamud oo horay ula soo shaqaysay ururkii u soo dagaalamay gobonimada dalka Soomaliye ee SYL.
ugu danbayntii shirka ayaa kusoo gabo gaboobay jawi wanaagsan ayadoo shirkaan uu noqonayo shirkii ugu waynaa ee ay yeeshaan xubnaha Ururka Waddaniga Soomaaliyeed qaybta suuriya tan iyo markii Ururka laga aas aasay dalka suuriya.
Magacyada xubnaha Ururka Waddaniga Soomaaliyeed ee ku sugan xiligan gudaha wadanka syria gaar ahaan caasimadda Dimishiiq iyo nawaaxigeeda.
Magacyada Ragga.
1- Mudane: : Cabdullaahi Yalaxow Maalin Gudoomiye xigeenka 1-aad ee Ururka waddaniga soomaaliyeed
2- Mudane : Maxamed Cumar Cali Xubin ahna Wakiilka Arimaha Ururka Waddaniga Soomaaliyeed ee Syria
3- Mudane : Maxamed Jaamac Nuur --------------- Xubin
4- Mudane : Maxamuud Axmed Qori --------------- Xubin
5- Mudane : Maxamed C/llaahi Maxamed ---------- Xubin 6- Mudane : Cabdiqani Cabddullahi Yuusuf -------- Xubin
7- Mudane : Cabdi caziiz Maxamed Cali ------------ Xubin
8- Mudane : Axmed Maxamed Cali (Bajuu) ---------- Xubin
9- Mudane : Saciid Xassan Maxamed Saciid-fanaan ----- Xubin
10- Mudane Maxamed Sheikh Cabdi Cilmi ---------- Xubin
11- Mudane Cabdi wahaab Saalax Yuusuf ---------- Xubin
Magacyada Haweenka.
12- Marwo : Muxubo Faarax wiriiri Xubin Ahna ku xigeenka Wakiilka Syria ee UWS
13- Marwo: Jamaallo Sheikh Xaamud Xubin Hore ee SYL (Somalia)
14- Marwo : Khadiijo Axmed Jimcaalle ---------- Xubin
15- Marwo : Laylo Ismaaciil waango ---------- Xubin
16- Marwo : Milyaar Cumar Saciid ---------- Xubin
17- Marwo : Aamina Maxamed Axmed ---------- Xubin 18- Marwo : Luul Axmed Guuleed ---------- Xubin 19- Marwo : Raaxo Maxamed Nuur ---------- Xubin
20- Marwo : Ilhaan Cabdi Soofe ---------- Xubin
21- Marwo : Iisho Axmed Busuri ---------- Xubin
Mohamed Jaamac Nuur
Dimishiq Suuriya
Maxamedjn@hotmail.com
Daawo Sawirada Kulanka
|