|

13-kii Dhallinyaro ee SYL 1943
Magaca Gobal / Magaalo Sanadka Dhalasho Da’da
1- Cabduqadir Shakhawaddiin Tayeeglow/Bakool 1919 24 Jir
2. Maxamed Xirsi Nuur (Siidi) Mareeg. G/gaduud 1915 28 Jir
3. Yaasiin Xaaji Cusmaan Sharmarke Hobyo / Mudug 1917 26 Jir
4. Xaaji Maxamed Xuseen Maxaad Muqdisho/ Banadir 1917 26 Jir
5. Cusmaan Geeddi Raage Muqdisho /Banadir 1925 18 Jir
6. Dheere Xaaji Dheere Muqdisho / Banadir 1926 17 Jir
7. Daahir Xaaji Cusmaan (Dhegaweyne) Hobyo / Mudug 1925 18 Jir
8. Cali Xasan Maslax 1919 24 Jir
9. Maxamed Cali Nuur Mugadisho /Banadir 1927 16 Jir
10. Maxamed Faarax Hilowle Mareeg. G/gaduud 1925 18 Jir
11. X. Maxamed Cabdullahi Xayeesi Muqdisho / Banadir 1918 25 Jir
12. Huudow Macalin Cabdullahi Saalax Marereey Sh/hoose 1926 17 Jir
13. Maxamed Cusmaan Baarbe Baardheere Gedo 1910 33 Jir
Xisbiga SYC oo ujeedadiisa fog ay aheyd in loo beddelo Xisbi Siyaasadeed lana shaac bixiyo magacii runtaa ahaa ee gumeystaha laga qariyey SYL iyo ka xoreynta dalka gumeystaha ku soo duulay ayaa wuxuu ka dhigtay talabadiisii ugu horeysay ee uu qaado la dagaalanka qabyaaladda iyo Haybsooca. Kuma koobnaanin 13kaas Dhallinyaro ee markiiba waxaa ku soo biiray dhallinyaro aad u fara badan waxaa xusid mudan kaalintii lama ilaawaanka ahaa ee ay haweenka Soomaaliyeed kasoo qaateen Xisbigaas SYL, waxaaba la oran karaa maba najaxeen haddii aysan taakuleyn oo aysan garab istaagin haweenka. Xisbigu wuxuu dhisay dowladdii daakhiliga aheyd wuxuuna lasoo kulmay dhibaatoouin fara badan illaa uu dalka ka gaarsiiyo madax banaani buuxda.
Xusuusnow Xilligii SYL waxay ahayd marxalad gumaysi, ummadda Soomaaliyeed waxay ku jireen dhaqdhaqaaq xornimo doon ahaa. SYL waxy ahaayeen dhallinyaradii ummadda Soomaaliyeed u bilowday dhaqdhaqaaq waddaninimo, waxay ahaayeen Sacbooleey, ma ahayn Dhallinyaro hubaysnaa, mana isticmaaleyn is qarxis, Baasuuke, Hoobiye, Tikniko iyo Bam gacmeed (F1) iwm. SYL Waxay lahaayeen dad Soomaaliyeed oo codow ku ahaa oo jillaafo la daba taagnaa, waxaas oo dhan ma hakin, waxay taagnaayeen albaab walba iyagoo sacbooleey ah, waxay qof walba fahamsiinayeen macnaha iyo qiimaha ay leedahay waddaninimada, iyagoo hub ka dhiganaayey maskaxdooda iyo caqligooda.
SYL waxay horseed ka noqdeen hal kudhiggii caanka ahaa ee “Ha Noolaato” kaasoo ummadda Soomaaliyeed u horseeday Xornimmo Buuxda. Shacbiga Soomaaliyeed waxay maanta dib ugu noqdeen Marxaladdii ay SYL ku jirtay. Xilligaan adag ay ummadda Soomaaliyeed maanta ku jirto ayaa waxaa ka dhashay Ururka Waddaniga Soomaaliyeed. UWS waa dhallinyaro waddaniyiin ah oo aan isku soo abaabulin qabiil iyo dano gaar ah, waana Waddaniyiin ku midaysan Mowqif adag, Waddaniyiin daacad u ah ummaddooda, waddaniyiin aan hubaysneen oo sacbooleey ah, adeegsanaya maskaxdooda iyo cagligooda, hubna ka dhiganaayo Qiirada waddaninimo oo ay shacbiga Soomaaliyeed ku baraarujinayaan.
Xilliga hadda lagu jiro waa ka adag tahay Xilligii SYL xillaagaan waxaa noo dheer shacab barakacay, Shacab badaha ku dhammaanayo iyo shacab qaxooti ku ah meel walba. Shacab meelihii ay u qaxeen oo ay miciin ka raadiyeen lagu gumaadayo sida South Africa. Ururka Waddaniga Soomaaliyeed waxaa si rasmi ah loo assaasay Bisha May 15, 2008. Waana maalintii la aasaasay ururkii SYL, oo ahaa ururkii dhallinyarada ahaa ee Shacbiga Soomaaliyeed u horseeday inay noqdaan waddan xor ah. Waana maalin shacbiga Soomaaliyeed ay u leedahay xusuus gaar ah. Marxaladdii taagnayd Xilligii SYL Ayey maanta ummadda Soomaaliyeed dib ugu noqatay. Sidee ayuu ku yimid Fikirka UWS Waxaa Muddo badan dhagaheeda ku soo dhacaayey xasuuq iyo barakac ka dhacaayey Soomaaliya, waxay website-yada Soomaalida ka akhrisataa, kana aragtaa shacab Madaafiic lagu garaacayo, Maydad dariiqyada daadsan, Hooyooyin dhaawacan, Carruur khalkhalsan iyo Waayeel Taahaaya, dadweyne barakacay, meydad dariiqyada daadsan iyo dhalliyaro meeshii ay u qaxeen oo iyagoo nool la gubaabayo sida South Africa.
Qiiro waddaninimo oo caloosheeda iyo qalbigeeda ka buuxsamay darteed ayey la aamustay, danqasho ay ka danqatay waxa shacbiga Soomaaliyeed ku dhacaaya ayey muddo ka fekereysay waxa ay ka yeeli doonto ilaa ay dareemaan Saygeeda iyo Carruurteeda.
Hooyo maxaa kugu dhacay beryahaan, carruurteeda ayaa weydiiyey, beryahaan aamus iyo feker ayaa kaa muuqda. Waxay fahamsiisay Xaaladda ay ka murugootay. Carruurteedii way u garaabeen, Aabahoodna niyadda ayuu u sii dhisay. Waxaa u muuqday Fikir ah in loo bahan yahay Waddaniyiin u soo baxo Shacbiga Soomaaliyeed oo ka saara dhibka ay maanta ku jiiraan. Waddaniyaddaasi Waa Zahra Cabdi Xersi oo ku nool Dalka Holland.
Waddaniyadda Zahra Cabdi Xersi: waa qoraa sare oo ka shaqeyn jirtay Wakaaladdii Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ee dowladdii Kacaanka. ALLAH (SWT) wuxuu haybad u siiyey xagga qoraalka “Masha’Allah” Waxay qortay maqaallo xiiso badan oo ay ku baahisay Saxaafadda Soomaalida, waxay kaloo qortay “Qisadii Dardaaran” waa qiso jacayl oo aad u soo caan baxday sanadka 2008.
Waddaniyadda Zahra Cabdi Xersi, waxay fekertaba waxay soo qaadatay qallin iyo warqad waxay qoraalkeeda cinwaan uga dhigtay hal sadar oo ah Ururka Waddaniga Soomaaliyeed, sidaas ayuu ku yimid fikirka Ururka. Ka dibna waxay qortay baaqyo badan oo ay ku baahisay Saxaafadda Sooomaalida oo ay ku baaqaysay qaabka loo aasaasi karo urur ay ku midaysan yihiin Waddaniyiin Soomaaliyeed. Waxay kaloo raadinaysay waddaniyiintii kala qeyb qaadan lahayd Ururka. AL-Xamdu Lillaah waxaa ku soo xirmay dhallinyaro intii Soomaali ugu waddanisaneyd.
Talo wixii la isku geeyaba waxaa la dhamaystiray dhismihii Ururka, waxaa loo sameeyey sumado (Logos’), waxaa loo qoray profile, waxaa loo dejiyey Dastuur, waxaa loo sameeyey xeer Maamuus (Code of conduct). Waxaa loo sameeyey “membership application”. Ugu dambeyntii waxaa la magacaabay guddiyadii Ururka.
UWS wuxuu hadda leeyahay Website u gaar ah oo ah www.waddaniga.org Ururka wuxuu kaloo soo saarayaa Wargeys loo bixiyey “Waddaniga Press”
Ururka Waddaniga Soomaaliyeed furitaankiisa waxaa lagu beegay maalinta 15-ka May 2008, si ummadda Soomaaliyeed ay u soo gasho rajo ah tii SYL oo kale. UWS wuxuu ummaddiisa kula dadaalayaa u soo celinta nabaddii iyo xornimadii ay Soomaaliya caanka ku ahayd ee ka luntay.
Maalintii aan ku dhawaaqnay furitaanka UWS ilaa maanta la jooga waxaa ummadda Soomaaliyeed meel kasta ay joogaan naga soo gaaraya hambalyo bogaadin ah, talooyin wax ku ool leh iyo taageero farxadeed. Haddii aan nahay bahda UWS waxaan shacbiga Soomaaliyeed meel kasta ay joogaan u diraynaa hambalyo iyo bogaadin taa la mid ah.
Qodabada ay isaga mid yihiin dhallinyaradii SYL iyo dhallinyarada Ururka Waddaniga Soomaaliyeed Waxaa ka mid ah:
- Dhallinyaro waddaniyiin ah oo aan isku soo abaabulin qabiil iyo dano gaar ah
- Waddaniyiin ku midaysan Mowqif adag
- Waddaniyiin daacad u ah ummaddooda
- Waddaniyiin si wadajir ugu howlgalaysa Sinnaan, Caddaalad iyo is Ixtiraam.
- Waddaniyiin aan cadowga liicin karin.
Waddaniyiintii SYL waxay lahaayeen Cadow isugu jiro Soomaali iyo Ajnabi. Waxayna hadafkoodii ka guul gaareen iyadoo albaab walba loola taagnaa Mudac.
UWS waxay ku shaqaynayaan Mowqif midaysan, waxayna shacbiga Soomaaliyeed u ballan qaadayaan inaan mowqifkeenna hakin doonin weerar kasta oo nooga yimaado Soomaali iyo ajnabi.
UWS wuxuu leeyahay Website u gooni ah iyo Wargeys uu ururka soo saarayo dhawaan. Waxaadna si joogta ah ugala socon kartaan howlaha ururka Website-ka ururka oo ah www.waddaniga.org Wixii talo iyo weydiimo ahna waxaad ku soo hagaajin kartaan info@waddaniga.org
UWS wuxuu wada shaqayn la samaynayaa ururada kale ee Soomaaliyeed iyo ururada caalamiga ah (international Communities). UWS wuxuu soo dhaweynayaa waddani kasta oo jecel inuu ku soo biiro.
Sida ku xusan Dastuurka UWS wuxuu diyaar u yahay inuu Isbahaysi waddaninimo la samaysto ururada kale ee Soomaaliyeed ee hadda jira, marka la isla afgarto xeerar iyo hab maamuus lagu midoobi karo, si shacbiga Soomaaliyeed loogu adeego Mowqif mideysan.
Ururka Waddaniga Soomaaliyeed
All Rights Reserved Copyright. 2008 – Waddaniga.org
www.waddaniga.org info@waddaniga.org
« Back to home page
|