|
Xafladda Sanad guurada 50aad ee xornimada Somalia oo ay soo qabanqaabiyeen UWS oo ka dhacday Magaalada Karachi ee Dalka Pakistan
KOWDA LUULIYO IYO KARACHI
Magaalada Karachi ee koofurta dalka Pakistan lagu qabtay Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo loogu dabaal dagayey sanad guurada 50aad ee kasoo wareegatay markii ay Somaliya gaar ahaan gobalada koofureed ka xoroobeen gumaysihii talyaaniga. waxaana soo abaabulay Ururka Waddaniga Soomaaliyeed iyo Ururo iyo dhalinyaro Soomaaliyeed oo degan dalka Pakistan
Xafladaan oo ahayd mid soo jiidasho leh ayaa waxaa kasoo qayb galay dadwayne isugu jira aqoonyahano, arday, dhalinyaro, hooyooyin iyo caruur, waxaana intii ay socotay madasha xaflada lagu soo bandhigay waxyaabo kala duwan oo ay ka mid ahaayeen qudbado, majaajilo, heeso, gabayo iyo sidoo kale duco si wada jir ah loogu duceeyay Soomaliya.
Waxaa soo abuubulay kaalin wayna ka qaatay qabsoomida xafladaan ururo soomaaliyeed oo issu tagay kuwaas oo ka hawl gala Pakistan iyo meelo badan oo caalamka ah. Ururadaan oo ah kuwo ka shaqeeya arimo kaladuwan sida caafimaadka, nabadaynta, midaynta iyo hormarinta ayaa waxaa ka mid ah:
- Ururuka Wadaniga Soomaaliyeed.
- Xisbiga Wadaniyiiinta Soomaaliyeed (Hanoolaato).
- Ururka ardayda Soomaaliyeed ee Jaakamacada Karachi University
- Ururka Jaaliyada Soomaaliyeed ee Hyderbad iyo
- Dr. Osman foundation.
Ururadaan oo sal u ahaa qabsoomida xafladaan loogu dabaal dagayo kowda luuliyo ayaa intii lagu guda jiray waqtiga dabaal daga waxaa halkaas hadalo wax ku ool ah ka jeediyay madaxda ururada oo kala ahAbdirahman Xasan Shabuuti oo ah wakiilka xisbiga wadaniyiinta soomaaliyeed (Hanoolaato), Kamaal Xaaji Guuleed gudoomiyaha ururka wadaniga Soomaaliyeed, Shaafici Abdullahi Mo’alimgudoomiyaha ardayda jaamacadda Karachi Univesity, Ahmed Mohamed Hussien xoghayaha Jaaliyada Soomaalida Magaalada Hyderpad Dr. Mohamed Osman madaxa Dr. Osman Foundation iyo Farah Mohamed Sharawe gudoomiyaha ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed ee Pakistan.
Dhammaan madaxdaas ururada oo halkaas hadalo qiimo leh ka jeediyay ayaa waxyaabihii ay ka hadleen ama diirada saareen waxaa ka mid ahaa ahmiyada ay kowda luuliyo u leedahay bulshada Soomaaliyeed, taariikhda soomaliya, taariikhda calanka buluga ah iyo taariikhda halgamayaashii soomaaliya oo ay ka mid ahaayeen Ahmed Gurey, Sayid Maxamed, SYL iyo kuwa kale oo badan, sidoo kale waxay bulshada soomaaliyeed meel walba oo ay joogtaba u direen salaam iyo farxad ku aadan kowda luuliyo iyagoo ilaahay uga baryayay in ilaahay quluubtooda isu dumo ayna noqdaan kuwa fahma dantooda guud iyo tan gaar ahaaneedba.
“ Waxyaabihii halkaas lagu soo bandhigay ama looga hadlay ma,ahan kuwa aan halkaan kusoo koobi karo, balse waxaa lama ilaawaan ah in halkaas aan lagu soo bandhigin oo kaliya qudbado, balse sidoo kale fanaaniin da yar ay ka qaadeen heeso wadani ah iyo sidoo kale gabayo kala duwan oo uu ka mid ahaa gabaygii caanka ahaa ee lagu xasuusto maalintii la taagay calanka jamhuuriyada Soomaaliya kaas oo ah
“SAREEYOOW MA NUSQAAMOOW,AAN SIDUU YAHAY EEGEE KANA SIIB KANA SAAR” (Suldan Tima Cadde).
Xusitaanka kowda luuliyo maahan mid kucusub bulshada soomaaliyeed ee ku dhaqan Pakistan, balse waxaa la is dhihi karaa xafladii xalay waxay ahayd mid ka xiiso iyo qiiro badan kuwii hore iyadoo kasoo qayb galayaasha wajiyadooda ay ka muuqatay farxad iyo damaashaad. Mar aan wax ka waydiiyay qaar ka mid ah kasoo qayb galayaasha sida ay u arkaan kowda luuliyo iyo sanad guurada 50 aad ayaa waxay ii sheegeen “in ay ku faraxsanyihiin u dabaal daga kowda luuliyo iyagoo sidoo kalana murugo ka muujiyay xaalada soomaaliya ay ku sugantahay waqti xaadirkaan”.
Dabaal daga kowda luuliyo maahan mid ka dhacaya Pakistan oo kaliya sidoo kale kumanaan Soomaali ah ayaa aduunka daafihiisa uga dabaal dagaya kowda luuliyo, waxaase laga yaabaa dadka qaarkood inaysanba fahansanayn muhiimada ay leedahay kowda luuliyo.
1dii luuliyo 1960, waa maalintii calansaarka iyo midnimada soomaaliya
waa maalintii gobolada koonfur ee Soomaaliya ay ka xoroobeen gumeystihii talyaaniga, isla markaana ay la midoobeen gobolada waqooyi, halkaasna ay ka curatay Jamhuuriyaddii Soomaaliya.
Waa maalintii la laabay calankii gumaysiga,laguna bedelay mid somaali leedahay.
Waa maalin kumanaan soomaali ah ay la ilmeeyeen farax iyo damaashaad gumaystihiina uu la ilmeeyay murugu iyo naxdin
Waa maalintii hanka Soomaaliyeed kor u kacay oo lagu hammiyey loona hawlgalay in la haleelo qaran Soomaaliyeed oo dhammeystiran.
Waxaa jira dad ka niyad jabsan dabaal daga kowda luuliyo oo ku andacoonaya maanta inay mudantahay in la baroor diiqdo maadaama ay Soomaaliya meel adag xaaladeedu marayso, taas waxay ila tahay qaran iyo qaran la,aanba inay mar walba mudantahay in la xuso, loona dabaal dago kowda luuliyo maamadaama ay tahay maalin taariikhi ah oo aan mar naba la hilmaami karin. Waxaan ognahay in Soomaaliya muddo 20 sano ka badan nidaam la,aan iyo fawdo ka jirto, balse waxaan filayaa siday u indho la’dahay uma Alla-la’a, lagamana quusan in maalin maalmaha ka mid ah la arko soomaaliya oo mid ah. Waxaan rajaynayaa in ay soo bixi doonaan wadaniyiin soomaaliyeed oo dalka ka saara dhibaatada daashatay,horseedana sinaan,cadaalad,walaaltinimo iyo horumar waara.
Somaliya ha noolaato Hana is raacdo
Hanbalyo kowda luuliyo
Qore: Durran Hassan
Karachi, Pakistan.
ururka waddaniga soomaaliyeeed
www.waddaniga.org
soomaalibaanahay@hotmail.com
info@waddaniga.org
Daawo Sawirada Xafladda
|