Walaalaha dhamaan, Asalamy Calaykum w.w.
maa daama aan ku jirno usbuuc aad qaali ugu wada ah ummada Soomaaliyeed dhamaanteed ( 26, 27, 31 June iyo 1-da July), ayaan saaka waxaan isku dayay inaan bal dhow eray oo afkeena hooyo ka mid ah isku aadiyo, waa markii iigu horaysay oon isku dayo inaan gabyo marka waan ka sii cudur daaranayaa hadii khalad loo arko haday ku jiraan
Magaca txidan waxaa la dhahaa Dhool Barri kasoo baxay oon ugala jeedo SONO
Dhool Barri ka soo baxay baa, dhaan loo nageeyaa
Soomaalidiina Dhiriftoo, ka dhiidhiday hogaan xumo,
dhalinyaro wanaag iyo midnimo dhowris doonaa, soo bidhaamay maantee
dhab dad ay ka tahayoo, dhiig waddani mideeyoo,
dhaqan mida wadaagoo, diintuna ay u dheertahay
ayaa dheeshaan wada oo, gudoonsaday dhaqaaqaan(SONO)
somaali dhabahoo, aan dhac iyo is boob iyo dhibaataba dhex oolini,
oo dhaameelka geeliyo, dhaqaalahii magaalada
dhinicii aad eegtaba, nimcadu ay dhitada tahay
weeye hadafka dheeroo, higsanaayo ururkani
**********************
Adiguna dhulkaygoow, dhidir kii ku cunijiray, iyo dhabar jabkii hore,
ILAAH inuu ku dhaafshood dhanka kale ugudubtaan, dhawrtada ubixiyaa
dhexdaan marada ugu xiran, guntigana u dhuuqsane, samirkaaga dheeree.
dhab dad ay ka tahayoo, dhiig wadani gubaayoo, ka dhiidhiyay xumaha jira
ayaa magacan dhaliyoo(SONO) dhidibada u aasoo, dhawraaya waligood,
oomaalaay dhamaantiin, inaad dhinac istaagtaan, oo laf dhabar u noqotaan
baan dhawraynaayoo wiliba idinku dhiirine, ka dhabeeya ka dhabeya baaqas.
***************************
Adiguna walaalkay, Wadanigii wanaagiyo,
inuu wadarta guud helo Wallaahida ku marayoow,
soomaalida walaaluhu, dadku waa wadani iyo
miduu cadow wareemoo, madixii ka waaloo, ka waraabshay dacaroo
aan wadarta guud iyo isukeen walaaliyo doonaynin wadajire
adigoon is waalayn cidna aan wax yeelayn,waayahan horeetiyo,
inta wadarta guud iyo walaalaynta lugu jiro
waanadayda qaadoo, dadkoo idil dhamaantiis,
wadani iyo waraababa, wax qabadkaaga gaarsii,
oo waligaa ogoow taas, wadanigii dalkaygoow
mahamed mosul
mosul_73@hotmail.com
|