WQ: Zahra Abdi Hersi (Holland)
Beentii ayaa Rumowday!
Markii uu shaydaan nacaladi ha ku dhacdee Ilaahay kor ahaaye hortiisa ka lahaa:dad badan ayaa isoo raaci doona,Allahna wuxuu ugu jawaabay: wixii ku raaca waxaan ka buuxin doonaa naarta, beenta waxay ka mid tahay hubka shaydaanka kuwa ugu waaweyn.
Dunidan aan ku nool nahay nasiibdarro inteeda badan waxaa maamulka u haysa been, been ayaa talada loo dhiibtay, taas macnaheedu waxay tahay in dad badan ay hayaan waddadii naarta lagu geli lahaa.
Tusaale.
Markii uu socday waxa loogu macag daray dagaalka gabow ee ay reer galbeedka kula jireen Midowgii Soofiyeeti, waa ruushka iyo xulafadiisa ayaa dagaalkaas hub u ahaa been, wuxuu reer galbeedka dacaayad ka kooban been cadad beeshay ku haayay ruushka iyo xulafadiisa ugu dambayntiina waa tii beentii reer galbeedka run noqotay oo Ruushka laga badiyay oo shuuciyadii la tir tiray.
Haddaba maxaa lagu haystay oo beenta hilfaha loogu qaaday ruushka, dabcan waxay ahayd arrin awood la isugu faano haseyeeshe qaybta ugu weyn ee Ruushka lagu haystay ayaa ahaa mabdaŽiisa oo ahaa wuxuu ugu magacdaray shuuciyad ama, socialism taas oo u Ruushka ku macneeyay, dadka ha sinnaado dhaqaalaha ha ka sinnaadaan laakiin diin meel ha la iska dhigo, halka uu reer galbeedka ka watay mabdaŽah qofkii wax haysta keliya ha noolaado yacni aniga keliya aan noolaado maadaama aan anigu wax haysto, wuxuu reer galbeedka oo Maraykanka hoggaaminaayo qatar u arkaayay haddii ay dadka dhaqaalo ka sinnaadaan awooddiisu ayaa hoos u dhacaysa markaas waxaa qatar galayasa dawladda IsraaŽiil iyo dawladaha reer galbeedka.
Runtii sababta ugu weyn ee Ruushka loogu qaaday dagaalkii loogu magacdaray dagaalka qabow waxay ahayd dan loogu adeegaayay IsŽraaiil iyo danta reere Glabdeedka keliya oo ah in ay adduunka dhaqaalihiisu iyo awooddiisa gacanta ugu jiraan, Ruushka dabcan isaga wuxuu ku jiray dagaalka gabow laakiin waxay ka ahayd difaac mabdaŽiisa iyo in uu adduunka ku fido mabdaŽiisa shuuciyada ah, ugu dambayntiina waxay guusha raacday reer galbeedka oo waxaa u rumowday beentii ay hubka ka dhigteen.
Markii uu dhammaaday dagaalkii qabow mudo hadeer laga joogo ilaa in ka badan 20 sano, waxaa dhalatay been cusub, beentaana waxaa sidii ay caadada ahayd hor kacaayay Maraykanka, waxaana been taas cusubna loogu macag daray War on Terror, dagaalka looga soo horjeedo irhaabiyiinta ama kuwa mayalka adag ee muslimiinta ah, runtiina dagaalkaas waa been iyo barobogaando lugu ceebeenaayo islaamka, dunidana loo tusayo in diinta islaamka ay tahay mid lid ku ah nolosha baniŽaadamka.
Markii ay dhacday arrintii sebteembar ee waddanka Maraykanka ee sanadkii 2001 ayay curatay beentani, ilaa iyo hadeerna waa socotaa, dad badan ayaa aaminsan in arrintii ka dhacday magaalada New York ee waddanka Maraykanka ay ka dambeeyeen khuburo Maraykan iyo IsraaŽiil ah, oo aysan haba yaraatee lug ku lahayn raggii lagu eedeeyay.
sababta ay khuburadaas arrintaas u sameeyeen ayaa la leeyahay in la bilaabo ama la faafiyo beenta War on Terror, isla markaana lagu duulo waddanka Ciraaq, waana tii sidaas la sameeyay oo shacab Ciraaqiyiin ah la xasuuqay ilaa iyo hadeerna la xasuuqaayo, waxaa kale oo Ciraaq loogu duulay in khayraadkeeda waxna afka loo dhigto waxna la baabiŽiyo, isla markaana dagaalkii iyo ceebayntii lagu haayay muslimiinta caalamka ku nool ay halkaas ka sii socoto, iyadoo aan weli laga soo kabanin beentii runta looga dhigaayay oo dad badan oo dunida ku nool isla markaana rumaysanaayeen ayaa haddana waxaa dhalatay been cusub oo kale.
Beentan cusub waxaa iyadu loogu magac daray financial crisis, taas oo macnaheedu yahay dhaqaalihii adduunka ayaa yaraaday ama khatar ku jira, waxaana beentaa soo arlo geliyay ama dunida ku soo biiriyay Maraykanka iyo xulufadiisa.
Waxayna dunida ku qasbeen in ay rumaystaan oo aaminaan in dhaqaalahoodu yaraaday,beentan ayaa waxay ku bilaabatay markii guryo ku yaala qaar ka mid ah magaalooyinyka waddanka Maraykanka la bixin waayay ama la gudi waayay dayntii lagu iibsaday, guryahaan oo awlba lagu iibsaday been iyo wax lagu magacaabo karadiid, taas oo macnaheedu yahay dayn wax ku iibso haseyeeshe bixi lacag badan oo ribo ah, kii markaas guriga iibsanaayay ayaa isaga inta uu bangi u tago ka soo qaadaayo dayn kale oo uu gurigaas ku bixiyo, bangigii ayaa isaga ku qasbaaya qofkaas daynta ka qaatay in uu lacag badan o ribo ah bixiyo, sisteemka oo dhan ayaa ah kan dayn ka qaado, kaas dayn ka qaado ku kale dayn ka qaado, isla markaana daymahaas oo dhan waxaa koraaya lacag fara badan oo iyadana dayn ah.
Ugu dambeyntiina markii ay badatay lacagtii been abuurka ama ribada la bixin waayo.markii daymahaas la bixin wayaayna dunidii lagu faafiyay in dhaqaalihii hoos u dhacay oo xitaa islaantii suuq bacaad caanaha ku iibsanaysay ay saameyn ku yeelatay beentaas loogu magac daray financial crisis, suŽaasha meesha ku jirta ayaa ah:sidee ayay saameyn ugu yeelatay islaantaas eedadeen ah, guryaha lacagtooda la bixin waayay ee M araykanka ku yaala, sababta waxay tahay Maraykanka waxkasta oo u arko in ay dhaqaalhiisa ama awoodiisa qatar ku tahay oo faafinaayo been iyo dacaayad halkaasna oo ku qasbaayo in dunida la dareemaan waxa uu markaas u arkay in ay dkhatar ku tahay dhaqaalihiisa iyo awoodiisa.
Haddaba aan u soo noqdo dulucda qormadayda taas oo ah sida beenta ay noogu rumowday,beentii aan rumaysanayna ay sabab u noqtay in aan qarka u saaranahay in aanu ka baxno khariidada dunida iyo in shacabkii magaca Soomaali watay ay ku noolaadan nolol midda ugu liidata, haseyeeshe bal marka hore aan wax yar hakano, qormadyda soo socota ayaan haddii Alle idmo si fiican uga hadli doonaa sida ay beentii aan rumaysanay noo baaŽbisay oo hilfaha noogu laabtay.
Zahra Abdi Hersi (Holland)
soomaalibaanahay@hotmail.com
xubin sare ee ururka waddaniga Soomaaliyeed.
www.waddaniga.org.
info@waddaniga.org
|