Xubnaha Golaha fulinta UWS



Ururka Waddaniga Soomaaliyeed
oo Iftiinkoodii soo xoogeysanayo

Wareysiyo Taxane ah

Ifraax Yusuf oo ah Madax Arimaha Bulshada UWS ayaa waxay soo bandhigeysaa wareysiyo xiiso badan oo ay la yeelanayso

Barnaamijyada iyo Warsaxaafadeedyada Ururka Waddaniga Soomaaliyeed

Ururka Waddaniga Soomaaliyeed oo ka qeyb galay Shirka Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Dalka Holland

Latest Videos
# of visitors Since April 2009: 107398
Doorashada Xubnaha Ururka Waddaniga Soomaaliyeed 2010


Xafladda Sanad guurada 50aad ee xornimada Somalia oo ay soo qabanqaabiyeen UWS oo ka dhacday Magaalada Karachi ee Dalka Pakistan


Xaflad Sanadguurada 2aad ee UWS iyo Sanad guurada 67aad ee SYL oo ay soo qabanqaabiyeen UWS oo ka dhacday
Magaalada Dimishiiq ee Dalka Siiriya



Xaflad Sanadguurada 2aad ee UWS iyo Sanadguurada 67 aad ee SYL
oo ay soo qabanqaabiyeen UWS oo ka dhacday
Magaalada Karachi ee Dalka Pakistan



Xaflad Qalinjabin ah oo ay soo
qabanqaabiyeen UWS oo ka dhacday
Magaalada Karachi ee Dalka Pakistan



Kulan ku saabsan qorshaha Ururka iyo soo dhaweynta xubnaha cusub oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Xaflad balaaran oo UWS ay u qabteen
Jaaliyadda Soomaalida ee Suuriya



Dhagayso Fariinta Waddaniga:
qeybtii 1aad.

News Text
Xayeeysiis Bilaash ah
Free Advertisement
Dhamaan ganacsatada, Xawaaladaha, warbaahinta, NGO-yada iyo Ururada Soomaalida la ogeysiinayaa in website-ka UWS uu bixinaayo xayeeysiis Bilaash ah. Haddii aad danaynayso in laguu sameeyo xayeeysiis Bilaash ah fadlan la soo xiriir Ururka Waddaniga Soomaaliyeed.
info@waddaniga.org


Baaq ku socda dhamaan Waddaniyiinta Soomaaliyeed: by Zahra Abdi Hersi

  hiiraan.com
 
kulanka.com
 
dalkanews.com.
 
mogadishutimes.com
 
somalisan.com
 
somalfans.com"
 
mbali.info
 
xogta.com
 Siirada Rasuulka(scw)
 
Altaqwaa.com
 Aflax.Net
 Anasheed.com
 Waaniye.com
 Muslim Kids.com
 Daarul Xadiith.com
 Tawfiiq Masjid.net
 Boqolsoon.com
 Qardhaawi.com
  Mogadis. University
  Somalia University
  Hargeisa University
  Kismayo University
  Malaysia University
  Cairo University
  Makerere University
  Nairobi University
  Khartoum University
MAXEY TAHAY DANTA DADWEYNAHA SOOMAALIYEED
Waxaa Qoray: C/wahaab C/qaadir (Carab)


MAXEY TAHAY DANTA DADWEYNAHA SOOMAALIYEED

Haddii ay Soomaalidu dhawr iyo 20 sanadood colaado sokeeye, bur-bur iyo barakac aan dhib mooyee wax dheef ah lagu ogayn
dhex jibaaxaysey oo halaagyada is-fashilinta iyo middi-middi ku taagga laga dhaxlo si siman loo wada dhadhamiyey.

Sidoo kalana halakooyinka iyo hoogga nidaam-darrada iyo khasaaraha nabad gelyo la’aanta ay dadkeenu si la taaban karo u dareemeen oo ay magac xumada iyo nolosha liidataa noqdeen wehelka joogtada ah ee qofka Soomaaliga ah.

Soow in wixii dhacay laga waantoobo oo ay ummaddu dib isugu noqoto looma baahna. Caruurihii iyo ubadkii soo korayey haddii ay dawlad la’aantu jahli, iyo wax barasho la’aan badday, oo ay da’yartii soomaliyeed maanta barashada akhlaaqiyaad aan wanaagsanayn iyo tarbiyad xumo ku bar-baarayaan. Soow in la is-daba qabto oo haadaanta lagu socdo hoos loo qooraansado ma aha.

Dhibaatada inagu habsatay haddii guud ahaan iyo gaar ahaanba loo aqoonsaday inay dawlad la’aantu xudun u tahay oo dhibaatada ay dawlad la’aantu keentay la wada garwaaqsaday. Soow in ay dadweynuhu dawladda u dhalatay ku mintidaan oo ay garab galaan si ay deganaansho nololeed u gaadhaan dantoodu kuma jirto.

Markii dawlad dhisan la fashiliyaba haddii la wada ogaadey inay aafo hor lihi Soomaali u bilanayso oo weliba laga wada dheregsan yahay dadka yar ee dawlad la’aanta ka faa’iidaystaa inay had iyo goor danta inta badan cagta marinayaan. Dadweynaha dantooda iyo horumarkooda la bur-burinayaa soow inay kacaan oo kuwa nabadgelyadooda iyo noloshooda hor taagan iska qabtaan xaq ku waajibey maa hino?


Abwaan soomaaliyeed ayaa wuxuu yiri

Magri baan falkinayaa
faataxada ii mara
ficil yaableh weeye
munkar lama fogeeye
macruufka la isma faroo
diintaan ku faanaba
inta badan ma fahamsana
fajacayee caqiidadu
ma dhaafsana faruuryaha
uur faaxa jiiftiyo
ficil iyo af kala duwan
waa camal munaafaqe
shirbaa loo fadhiistaa
feermadiyo go'aankiyo
axdiyada la faafiyo
lama fuliyo maantoo
marka jeecku faaruqo
dib baa loo fashiliyaa
fadhiidoo macaa ka har
foolxumo ma dhaante
faajiriin shisheeyoo
soomaali kala fadhiintee
muslin feeraha is jara
u fakaray wax badan baa
danahoodii fulinoo
fusad maanta noo helay


Bulsho weynta Soomaaliyeed soow inay masiirkooda wax iska weeydiiyaan oo ay xisaabtamaan, isla markaana si qoto dheer loo fekero looma baahna. Qofka maanta dawlad dirqi lagu soo dhisay duminteeda dubaha u sita ee afkaartiisa sirgacan dadka ku hanuuninayaa in waxa ka maqan la weydiiyo oo ujeedadiisa si sax ah loo ogaadaa soow arrin meesha ku jira ma aha. Maxaa ku jaban inay dadweynuhu iska hubsadaan toobiyaha aan dantoodu ku jirin ee uu danaystuhu ku hayaaminayo.

Shaqsiga Soomaaliga ah ee uu weli qab-qable maskaxdiisa wax ku shubayaa horta ma is weeydiiyey inay isku dan yihiin iyo in kale nise isweydiiyeen iney isku qoon yihiin.

Kuwa ilaa iyo hadda qab-qablaynta iyo murjinta danta guud hamuunta baas u qaba ee wakhtigan xaadirka ah u sii hanqal taagaya inay dawlad dhisan oo ay xubno ka yihiin baabi’iyaan soow inay dadweynuhu ugu yaraan doonistooda gurracan gartaan oo ku gacan sayraan maaha.

Soow in midabada badan ee ay dagaal oogayaashu 19ka sano dadka u kala bedelanayeen, loo daliishado oo runta wejiga laga saaro danta dadku kuma jirto. Maxaa runta loo shareerayaa miyeeysan iyagoo u falaagoobey ilaalinta danohooda gaar ahaaneed aysan adeegsanayn tabihii iyo xeeladihii belo ee ay hore ummadda ugu marin habaabin jireen.

Maxaa shacbiga Soomaliyeed ka hor taagan la xisaabtanka iyo ku baraarugga kuwa beer laxawsiga aan sii ridnayn iyo is-bihin-bihinta sarbeeban ee danahooda gaar ahaaneed ku hilan ugu gacan haatinaya.

Soomaaliga dhabta ah ee dhacdooyinka dhulkiisa ka dhacaya iyo baahida dawlad shaqaysa loo qabo garanayaa, ficilada ay calaamadaha qaran-diidnimadu ka soo ifayaan waa inuu ka gil-gishaa si uu dadkiisa iyo dalkiisaba u bad-baadiyo.

Haddii aan geedka laanta ugu saraysa salka la heli waayey xididdaan u siibayaa fili maayo inay noqon karto figrad maanta Soomaalida u cuntami karta oo ay xitaa maqli karaan, maxaa yeelay waa humaag aan dani ugu jirin oo ay horey u eedeen. Ummaddani sida uu nafle oomani biyo ugu baahan yahay ayeey dawlad dhexe ugu harraaddan yihiin.

Sidaa daraadeed u malayn maayo in maanta la marin habaabin karo oo figrado khaldan oo aysan dani ugu jirin laga raaridi karo. Waayo wax waliba wakhti bay leeyihiin, Illahayna Soomaliya weligeed inay dawlad la’aato uma qorin, dadkuna kuma gawracna inay qab-qable saxariiriya oo talada toosan iyo tigaadda ka hor taagan weligood ka daba jaameeyaan.

Sababtoo ah haddii caqligu shaqaynayo dhibaato iyo khiyaamo intii hore shacbiga soomaaliyeed ugu filan. Siyaasadda waa lagu tartamaa, la isku weeraraa oo siyaasiinta kala aragtida ahi colna ma aha, nabadna ma aha, waxayse had iyo goor ficiladooda waafajiyaan danta dadkooda oo ah cidda in loo adeego lagu beretamayo ee sumcadda laga kasbanayo. Inta badan siyasiyiinta xagga fikirka ku kala taggani waxay mar kasta ka midaysan yihiin ilaalinta danta dadweynaha oo u baahan nabad iyo xasilooni joogtaysan.

Inkastoo dhaaxa fulinta awaamiirta qarriban ee qarandiidnimada loo dhega nuglaa iminka bisaylka dadka Soomaaliyeed waa mid maalinba, maalinta ka dambaysa isa soo taraya oo horumar xawli dheeraynaya saaran ku socda. Tusaale ahaan qab-qable dhaqaale waalan fawdada geyigeena ka taagan ku haystaa haddii uu ogyahay inay dadweynuhu fikirkiisa qaloocan ku raacayaan, marnaba ma ogolaadeen inuu shir mashaakilka Soomaalida lagu furdaaminayo muddo laba sano ah ka qayb qaato.

Laakiin cidda inuu joogo ku cadaadinaysey waxay ahaayeen bulshada oo ay dawlad la’aanta iyo ammaan darradu soo kareen. Damiirkii guushaas dhaliyey weli ma suulin oo dadweynaha Soomaaliyeed maanta, maalin ay dawlad uga baahi badan yihiin sooma marin, haddii ay u dhalatayna ilama aha inay cid dano dadban ilaashanaysa duminta qaranimadooda garab ku siinayaan. Waxaase loo baahan yahay inay dadkeenu dar-dar geliyaan dareenka ay dawlad danohooda guud ilaalisa ku doonayaan.

Sidoo kalena ay xoojiyaan damiirkooda qaranimo-doonimada ku dhisan ilaa ay qaran-diidka ka ogolaysiinayaan ka-qayb-qaadshada dadaalka nidaam iyo kala dambayn lagu kalsoonaan karo lagu raadinayo. Taasoo ay fure u tahay inay si daacad ah ula shaqeeyaan dawladda ay xubnaha waaweyn ka yihiin ee ay sharcigeeda iyo nidaamkeeda wax ka sameeyeen, isla markaana ay tar-tankeeda madaxnimo ka soo qayb qaateen.


Hal diidaysaa geed ay ku xoqato ma weydo. Muqdisho inay caasimadda Soomaliya tahay qof kasta oo Soomaali ahi waa ogyahay, ummadda ay magaalo madaxda u tahayna waxay ku qabaan kalsooni ah inay u qalanto inay xarunta Soomaaliya ku sii boqranaato. Dadkuna si gaar ah ayeeyba Xamar u jecel yihiin.

Haddii bur-bur dhacay oo dhawr iyo toban sano la kala maqnaa, Mbagthina ay Soomaliyi nidaam ku samaysatay Muqdisho xurmadii iyo magacii ay dalka ku lahayd in laga qaado iska daaye xitaa wax dood ah lagama soo celin. Axdiga qarankana iyadoo aysan cidi su’aal ka keenin ayaa lagu duugey.

Haddaba, Haddii ay jirto cid caasimadnimada Muqdisho duullaan ku ahi aan is weeydiinee, maxay uga hadli weydey markii Axdiga qaranka la dejinayey. Kuwa dareenka dadweynaha ee nabadda iyo dawladnimada u ooman tashuushka ku furayaa ma waxay diiddan yihiin in barnaamij tifaftiran oo dawladeed ammaanka caasimadda wax lagaga qabto.

Iyaguse nabadgelyada caasimadda wax la taaban karo ma ka qaban karaan? Waa su’aal rahman. Dhanka kale haddii ay dawlad ina qabsanaysaa jirto, 15 sano dawlad dhexe oo dalka ilaalisaa aanay jirin, ma dagaal ooge inay dawladi inoo dhisanto hor taaganaa ayaa inaan Soomaaliya la qabsan dhufeys ugu jirey. U malayn maayo inay dadka qaarkii ka waaban lahaayeen ogolaanshaha qabsashada dalka haddii danohooda gaar ahaaneed wuxuun looga fuliyo. Sababtoo ah qof inay Soomaaliya dawlad noqoto diiddani, in la qabsadana dan kama laha. “Ninkii hooyadii ka guurey, aayadii uma negaado”. Waxna ma qaban karo oo waa la I yaqaan, talada waxtarka lehana ganafkaan ku dhufanayaa, waa amuuro aan is geyin oo hagar-daamo qaran xambaarsan.

Si kastaba Qaran-doon iyo Qaran-diid ha u doodeene, kooxaha dawlad la’aanta iyo fawdada danaha shaqsiyadeed ku haysta iyo danta iyo nolosha dadweynaha oo dawladnimo hir gasha ku xidhan ayaad mooddaa in la isu marayo oo si aan macquul ahayn la isugu xoqayo. Ciddii hanaanka siyaasadda dawladda ee u guurista dalka gudihiisa ka biya diiddani haddii ay hayaan aragti ay ummaddu ku qanaci karto ha u sheegeen.

Haddii kale, ha la ogaado in marka lagu xisaabtamo sida ay dhibaatada dawlad la’aantu dadka soomaliyeed u soo kartay, iyo waayo aragnimada iyo aqoonta ay bulshadani xeeladaha maldahan ee qaran-duminta looga goleeyahay u yaqaaniin, waxaa iska cad inaysan afkaarta qaran dumisku fursado dambe Soomaalida ka heli doonin.

Dad weynaha Soomaaliyeed ayeeyna u taallaa inay danohooda caamka ah u hoojiyaan danta danaystayaasha bur-burka iyo dawlad la’aanta ku mamay iyo inay dan Soomaaliyeed oo loo wada dhan yahay daafacaan si ay nabad gelyo waarta oo dalkooda ku baahda u xaqiijiyaan.

waxaan kula dar-daarmayaa dadkeyga soomaaliyeed oo jooga meel walba waxaan leeyahay dowlad macaan waxaa weli arag caruurtiina dowlad wax ay tahay iyo wax ay qabato dowlad qaran oo ay leedahay soomaliya sidaa darteed waxaan idnka codsanayaa dadka soomaaliyeed meel walba oo ay joogaa in ay ubadkooda ay ugu sheekeeyaan wax ay tahay dowlad qaranimo.

Wa Billaahi Toofiiq

Waxaa Qoray: C/wahaab C/qaadir (Carab)

E-mail.baariyow7@hotmail.com
Inta Qof Akhrisay: 59

OGEYIIS, OGEYSIIS;
waxaa soo baxay Wargayska
CODKA WADDANIGA
Baar Waddaniga.org Kaliya
Online Membership Soomaali Map
Profile-ka Ururka
Dastuurka Ururka ...


Xubnaha Sanadka

UWS wuxuu magacaabay xubnaha Sanadka 2008 - 2009


Waaxda Waxbarashada

Halkaan kala soco Barnaamijyada waaxda Waxbarashada

Waaxda Warfaafinta UWS
Waaxda Qorshaynta UWS
Waaxda Gargaarka UWS
Waaxda Maaliyadda UWS


Hambalyo Sanadguurada 50 naad ee Madaxbanaanida Somalia July 1, 1960 - 2010


HAMBALYO SANAD GUURADA 50aad EE JUNE 26 (1960 – 2010)


Dood cilmiyeed loogu magac daray “Doorka aqoonyahanka iyo bad baadinta dalka iyo dadk


Hees loo tiriyey UWS
waxaana Sameeyey Abdullahi Maxamed Axmed (Kullane)


MAXEY TAHAY DANTA DADWEYNAHA SOOMAALIYEED
Waxaa Qoray: C/wahaab C/qaadir (Carab)


AWOOD LA ISKUGUMA FAANO
Waxaa Qoray: C/wahaab C/qaadir (Carab)


Doorka Dhalinta & Arimaha Cakiran ee Dalka


MA LA DABARGOYN KARAA QABIILKA IYO QABYAALADDA?
WQ: Yuusuf-bile Cabdi Maxamed


Beentii ayaa Rumowday!
by: Zahra Abdi Hersi


Maxaa ku jaban haddii aan ku hadlo magaca waddankayga?
by: Zahra Abdi Hersi


QURBO WAA QARAN DUMIS !


Waddani iyo Wadaniyad
WQ: Maxamed Mosul


Zahra Abdi Hersi
Waa sidee dhaqanka Soomaalida ku nool waddamada reer galbeedka


dhibatoyinka haysta dhalinta somaliyeed iyo waxa xalka u noqon kara


fariin kusocota dhalinyarada soomaaliyeed


Baro Dalkaaga Hooyo
by: Abdullahi Mohamed Ahmed "Kullane"


DHOOL BARI KASOO BAXAY ... waa gabay guubaabo u ah bahda ururka waddaniga oo uu tiriyey


WAA MAXAY NABAD?


Ogeysiis ku socda Xubnaha Cusub ee doonaya inay ku soo biiraan UWS


SOMALI NATIONALIST ORGANIZATION (Profile and Background Information)

Ururka waddaniga Soomaaliyeed waxaa lagu dhawaaqay, 15kii May sannadka 2008
All Rights Reserved. Copyright 2008 -- Waddaniga.org
Design by kwwebservice