Xubnaha Golaha fulinta UWS



Ururka Waddaniga Soomaaliyeed
oo Iftiinkoodii soo xoogeysanayo

Wareysiyo Taxane ah

Ifraax Yusuf oo ah Madax Arimaha Bulshada UWS ayaa waxay soo bandhigeysaa wareysiyo xiiso badan oo ay la yeelanayso

Barnaamijyada iyo Warsaxaafadeedyada Ururka Waddaniga Soomaaliyeed

Ururka Waddaniga Soomaaliyeed oo ka qeyb galay Shirka Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Dalka Holland

Latest Videos
# of visitors Since April 2009: 107731
Doorashada Xubnaha Ururka Waddaniga Soomaaliyeed 2010


Xafladda Sanad guurada 50aad ee xornimada Somalia oo ay soo qabanqaabiyeen UWS oo ka dhacday Magaalada Karachi ee Dalka Pakistan


Xaflad Sanadguurada 2aad ee UWS iyo Sanad guurada 67aad ee SYL oo ay soo qabanqaabiyeen UWS oo ka dhacday
Magaalada Dimishiiq ee Dalka Siiriya



Xaflad Sanadguurada 2aad ee UWS iyo Sanadguurada 67 aad ee SYL
oo ay soo qabanqaabiyeen UWS oo ka dhacday
Magaalada Karachi ee Dalka Pakistan



Xaflad Qalinjabin ah oo ay soo
qabanqaabiyeen UWS oo ka dhacday
Magaalada Karachi ee Dalka Pakistan



Kulan ku saabsan qorshaha Ururka iyo soo dhaweynta xubnaha cusub oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Xaflad balaaran oo UWS ay u qabteen
Jaaliyadda Soomaalida ee Suuriya



Dhagayso Fariinta Waddaniga:
qeybtii 1aad.

News Text
Xayeeysiis Bilaash ah
Free Advertisement
Dhamaan ganacsatada, Xawaaladaha, warbaahinta, NGO-yada iyo Ururada Soomaalida la ogeysiinayaa in website-ka UWS uu bixinaayo xayeeysiis Bilaash ah. Haddii aad danaynayso in laguu sameeyo xayeeysiis Bilaash ah fadlan la soo xiriir Ururka Waddaniga Soomaaliyeed.
info@waddaniga.org


Baaq ku socda dhamaan Waddaniyiinta Soomaaliyeed: by Zahra Abdi Hersi

  hiiraan.com
 
kulanka.com
 
dalkanews.com.
 
mogadishutimes.com
 
somalisan.com
 
somalfans.com"
 
mbali.info
 
xogta.com
 Siirada Rasuulka(scw)
 
Altaqwaa.com
 Aflax.Net
 Anasheed.com
 Waaniye.com
 Muslim Kids.com
 Daarul Xadiith.com
 Tawfiiq Masjid.net
 Boqolsoon.com
 Qardhaawi.com
  Mogadis. University
  Somalia University
  Hargeisa University
  Kismayo University
  Malaysia University
  Cairo University
  Makerere University
  Nairobi University
  Khartoum University
Dood cilmiyeed loogu magac daray “Doorka aqoonyahanka iyo bad baadinta dalka iyo dadk

Dood cilmiyeed loogu magac daray “Doorka aqoonyahanka iyo bad baadinta dalka iyo dadka soomaaliyeed” oo ka dhacday Karachi, Pakistan


Barnaamij dood cilmiyeed ah uuna ka qayb galay madaxa qaramada midoobayd qaybteeda caafimaadka ee dalka Pakistan Dr. Khaliif Bile Mohamoud, madaxda ururka wadaniga soomliyeed iyo arday ka kala socotay jaamacadaha kala duwan ee dalka Pakistan ayaa waxay ka dhacday magaalada Karachi ee koofurta dalka Pakistan.

Doodaan oo socotay qadar saacado ah ayaa waxaa looga hadlay doorka aqoonyahanka iyo kaalinta kaga aadan dalka iyo dadka iyadoo maanta aqoonyanno badan ay ku mashquulsanyihiin arrimahooda gaar ka ah, halka malaayiin soomaali ah ay la il daranyihiin cudurro, gaajo, dagaallo, dayac iyo darxumo.

Dr. Khalif Bile oo ahaa marti sharaftii halkaas ka hadashay ahana madaxa haayada caafimaadka aduunka ee dalka Pakistan, ahaan jirayna madaxii jaamacaddii ummada soomliyeed (Somali National University) qaybteedii caafimaadka ayaaa halkaas kasoo jeediyay qubada ku aadan guud ahaan ummada soomliyeed gaar ahaana aqoonyahannada meel walba oo ay joogaanba.

Wuxuu sheegay in aqoonyahaniintu wax ka qaban karaan dal bur buray sida soomaaliya oo kale, wuxuuna dadka soomaalida ah ee wax bartay meel walbaba ha joogaane ka codsaday inay kasoo baxaan doorkii lagu yaqaanay aqoonyahan. Wuxuu kula taliyay aqoonyahanada inay hogaan samaystaan si ay isugu xirnaadaan una muujiyaan midnimo iyo wax wada qabsi ( gacmo wada jirbay wax ku gooyaan).

Ugu danbayntii wuxuu Dr. Bile hadalkiisa kusoo xiray

ü In manta ay tahay maalintii aqoonyahanka loo baxsan lahaa.

ü In soomaaliya cidna u maqnayn ceelna u qodnayn oo aan ka ahayn doorka aqoonyahannada.

ü In aqoonyahannada soomaaliyeed ay ka kacaan hurdada, una istaagaan iskaashiga, wax wada qabsiga, midnimada iyo bad baadinta maatada.

Intii lagu guda jiray barnaamijkaan dood cilmiyeedka ah ayaa waxaa halkaas hadal kasoo jeediyay gudoomiyaha ururka wadaniga soomaaliyeed Kamaal Xaaji Guuleed.

Kamaal Wuxuu ka hadlay dhibaatada soomaaliya, wuxuuna ka danqaday wax qabad la,aanta aqoonyahaniinta wuxuu yiri “wadan hadii bur bur iyo dhibaato ku dhacdo waxaa bad baadiya da, yarta, aqoonyannada iyo dadka wax garadka ah” ugu danbayntii wuxuu bulshada qaybaheeda kala duwan ka codsaday in qof walba kaalintiisa kaga aadan ka qaato badbaadinta ummada iyo wadanka.

Sidoo kale waxaa halkaas hadal kasoo jeediyay gudoomiye ku xigeenka ururka wadaniga soomaaliyeed Cabdinaasir Maxamed Sh. Nur. Cabdinasir wuxuu ka hadlay muhiimada ay leedahay aqoontu. Wuxuu sheegay wadan walba oo aduunka hormara inay hormarkiisa ka danbeeyaan aqoonyahanno. Wuxuu dadka soomaaliyeed kula dar daarmay inay xooga saaraan barashada noocyada kala duwan ee cilmiga sidoo kale wuxuu aqoonyahannada soomlaaiyeed u dardaarmay inay dareemaan masuuliyada kaga aadan dalkooda iyo dadkooda, wuxuuna xasuusiyay in ilaahay kula xisaabtami doono cilmiga ay barteen hadii aysan dadkooda uga faa iidayn.

Waxaa doodaas kaalin libaax leh ka qaatay oo aan la hilmaami karin qaar ka mid ah ardayda soomaaliyeed ee wax ka barta jaamacadaha kala duwan ee dalka Pakistan. Ardayda oo figradahooda halkaas kusoo bandhigay ayaa qaar badan oo ka mid ah waxay dhaliil usoo jeediyeen aqoonyahaniinta dalka, waxayna sheegeen in qaar ka mid ah aqoonyahannada soomaaliyeed ay yihiin kuwa aan ka ka fiyoobayn cudurka dilooday soomaaliya (qabiil).

Waxay sidoo kale sheegeen inaysan jirin haba yaraatee wax xiriir ah ama wada shaqayn ah oo ka dhaxaysa aqoonyahannada soomaaliyeed ee aduunka ku kala nool, waxayna ardaydu ka codsadeen bal in aqoonyahanadu isku dayaan midoobid dhexdooda ah si meel looga soo wada jeensado mushkiladda soomaaliya haraysay.

Ardayda oo ay ka muuqatay sida ay uga xunyihiin dhibaatada soomaaliya iyo dhiig la,aanta aqoonyahanka ayaa waxay baaq u direen dhamaan ummada soomaaliyeed, gaar ahaana kuwooda wax garadka ah, waxayna usoo jeediyeen in dhammaanteen naloo ka baahanyahay

Inaan noqonno kuwa taariikhdu xusto
Inaan bad baadinno dalka iyo dadka
Inaan ka dhiidhinno, kana danqanno dhibaatada soomaaliya
Inaan ogaano faa iidada wadajirka una istaagno midnimada iyo wax wada qabsiga.
Sidoo kale qaar ka mid ah ardayda ayaa waxay sheegeen inay ka wal walsanyihiin meeshii ay aadi lahaayeen markii ay dhamaystaan wax barashadooda. Mar aan waydiiyay sababta keentay wal walkaan ayay ii sheegeen in qofkii aqoonyahan ah oo soomaaliya aada uu yahay qof naftiisa halis galiyay, waxayna sheegeen in boqollaal aqoonyahanno ah horay loo ugaarsaday loona dilay taas ayaa keentay in arday badan ay hamayn iyo maalinba ka fakaraan meeshi ay aadi lahaayeen mar hadii jaamacaddii u dhamaatay.

Ugu danbayntii waxaa dooda soo xiray Dr. Khalif Bile, wuxuuna sheegay in soomaaliya tahay qaran, laakiin u baahan qowmiyad. Sidoo kale wuxuu sheegay in wada shaqayn la,aanteed aan waxba qabsoomayn sidaa darteed waxaa loo baahanyahay ayuu yiri midnimo guud iyo isfahan u dhaxeeya ummada soomaaliyeed gaar ahaana aqoonyahanada, ardayda iyo jaaliyadaha.

Diyaariye: Durran Xassan-yare

University of Karachi


                    
Inta Qof Akhrisay: 147

OGEYIIS, OGEYSIIS;
waxaa soo baxay Wargayska
CODKA WADDANIGA
Baar Waddaniga.org Kaliya
Online Membership Soomaali Map
Profile-ka Ururka
Dastuurka Ururka ...


Xubnaha Sanadka

UWS wuxuu magacaabay xubnaha Sanadka 2008 - 2009


Waaxda Waxbarashada

Halkaan kala soco Barnaamijyada waaxda Waxbarashada

Waaxda Warfaafinta UWS
Waaxda Qorshaynta UWS
Waaxda Gargaarka UWS
Waaxda Maaliyadda UWS


Hambalyo Sanadguurada 50 naad ee Madaxbanaanida Somalia July 1, 1960 - 2010


HAMBALYO SANAD GUURADA 50aad EE JUNE 26 (1960 – 2010)


Dood cilmiyeed loogu magac daray “Doorka aqoonyahanka iyo bad baadinta dalka iyo dadk


Hees loo tiriyey UWS
waxaana Sameeyey Abdullahi Maxamed Axmed (Kullane)


MAXEY TAHAY DANTA DADWEYNAHA SOOMAALIYEED
Waxaa Qoray: C/wahaab C/qaadir (Carab)


AWOOD LA ISKUGUMA FAANO
Waxaa Qoray: C/wahaab C/qaadir (Carab)


Doorka Dhalinta & Arimaha Cakiran ee Dalka


MA LA DABARGOYN KARAA QABIILKA IYO QABYAALADDA?
WQ: Yuusuf-bile Cabdi Maxamed


Beentii ayaa Rumowday!
by: Zahra Abdi Hersi


Maxaa ku jaban haddii aan ku hadlo magaca waddankayga?
by: Zahra Abdi Hersi


QURBO WAA QARAN DUMIS !


Waddani iyo Wadaniyad
WQ: Maxamed Mosul


Zahra Abdi Hersi
Waa sidee dhaqanka Soomaalida ku nool waddamada reer galbeedka


dhibatoyinka haysta dhalinta somaliyeed iyo waxa xalka u noqon kara


fariin kusocota dhalinyarada soomaaliyeed


Baro Dalkaaga Hooyo
by: Abdullahi Mohamed Ahmed "Kullane"


DHOOL BARI KASOO BAXAY ... waa gabay guubaabo u ah bahda ururka waddaniga oo uu tiriyey


WAA MAXAY NABAD?


Ogeysiis ku socda Xubnaha Cusub ee doonaya inay ku soo biiraan UWS


SOMALI NATIONALIST ORGANIZATION (Profile and Background Information)

Ururka waddaniga Soomaaliyeed waxaa lagu dhawaaqay, 15kii May sannadka 2008
All Rights Reserved. Copyright 2008 -- Waddaniga.org
Design by kwwebservice