# of visitors Since April 2009: 209411

Ururka Waddaniga Soomaaliyeed waa Geed
u soo cagaartay shacabka Soomaaliyeed


Xaflad lagu sagootinaayey Gudoomiye ku xigeenka Golaha Fulinta ee Ururka waddaniga soomaaliyeed oo ka dhacday dalka suuriya


Shirkii Ururka Waddaniga Soomaaliyeed oo ka dhacay Magaalada Dimishiiq ee Dalka Suuriya


Munasabad uu xilka kula wareegayo gudoomiyaha cusub ee Ururka waddaniga Soomaaliyeed oo ka dhacday Magaalada Karachi ee Dalka Pakistan


Doorashada Xubnaha Ururka Waddaniga Soomaaliyeed 2010


Xafladda Sanad guurada 50aad ee xornimada Somalia oo ay soo qabanqaabiyeen UWS oo ka dhacday Magaalada Karachi ee Dalka Pakistan


Xaflad Sanadguurada 2aad ee UWS iyo Sanad guurada 67aad ee SYL oo ay soo qabanqaabiyeen UWS oo ka dhacday
Magaalada Dimishiiq ee Dalka Siiriya



Xaflad Sanadguurada 2aad ee UWS iyo Sanadguurada 67 aad ee SYL
oo ay soo qabanqaabiyeen UWS oo ka dhacday
Magaalada Karachi ee Dalka Pakistan



Xaflad Qalinjabin ah oo ay soo
qabanqaabiyeen UWS oo ka dhacday
Magaalada Karachi ee Dalka Pakistan



Kulan ku saabsan qorshaha Ururka iyo soo dhaweynta xubnaha cusub oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Xaflad balaaran oo UWS ay u qabteen
Jaaliyadda Soomaalida ee Suuriya



Dhagayso Fariinta Waddaniga:
qeybtii 1aad.

News Text
Xayeeysiis Bilaash ah
Free Advertisement
Dhamaan ganacsatada, Xawaaladaha, warbaahinta, NGO-yada iyo Ururada Soomaalida la ogeysiinayaa in website-ka UWS uu bixinaayo xayeeysiis Bilaash ah. Haddii aad danaynayso in laguu sameeyo xayeeysiis Bilaash ah fadlan la soo xiriir Ururka Waddaniga Soomaaliyeed.
info@waddaniga.org


Baaq ku socda dhamaan Waddaniyiinta Soomaaliyeed: by Zahra Abdi Hersi

 

aminarts.com
 
kulanka.com
 
dalkanews.com.
 
mogadishutimes.com
 
somalisan.com
 
somalfans.com"
 
mbali.info
 
xogta.com
 Siirada Rasuulka(scw)
 
Altaqwaa.com
 Aflax.Net
 Anasheed.com
 Waaniye.com
 Muslim Kids.com
 Daarul Xadiith.com
 Tawfiiq Masjid.net
 Boqolsoon.com
 Qardhaawi.com
  Mogadis. University
  Somalia University
  Hargeisa University
  Kismayo University
  Malaysia University
  Cairo University
  Makerere University
  Nairobi University
  Khartoum University
Munasabad uu xilka kula wareegayo gudoomiyaha cusub ee Ururka waddaniga Soomaaliyeed oo ka dhacday Karachi

Magaalada Karachi ee koonfurta dalka Pakistan waxaa galinkii danbe ee shalay(13/09/2010) ka dhacday munsaabad uu soo agaasimay Ururka waddaniga Soomaaliyeed (SONO) xafiiskiisa dalka Pakistan oo xilka guddoomiyaha si rasmi ah loogu wareejiyay gudoomiyaha cusub C/naasir Maxamed Sheekh Nuur , waxaana xil wareejinta sameeyay gudoomiyihii hore Kamaal Xaaji Guuleed.

Munaasbaddan waxaa goob joog u ahaa xubno ka socday ururo Soomaaliyeed oo ka hawl gala Karachi , arday iyo marti sharaf kala duwan. Ururada lagu sharfay kasoo qayb galka waxaa kamid ahaa Ururka ardayda Soomaaliyeed ee jaamacadda Karachi, Ururka waddaniyiinta Hanoolaato qaybtiisa Pakistan, Ururka adayda Soomaaliyeed ee Haydarabad iyo Ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed ee Pakistan… Munaasabaddan xil wareejinta ayaa masuuliyiintii ku hadashay magaca dhamaan ururada aan soo sheegnay waxay ku nuux nuuxsadeen shaqada wayn ee uu hayo ururka Waddaniga Soomaaliyeed oo muddo 2 sano ah kasoo shaqaynayay Pakistan iyo caalamka intiisa kale.

Waxay ururka waddaniga sidoo kale ku booriyeen inuu sii wado halganka nabad raadinta, halganka baraarujinta dadka iyo halka xal raadinta umadda Soomaaliyeed, ayagoo u rajeeyay inuu Ilaahay ku guuleeyo hawsha wayn ee ay sida tabaruca ah ku hayaan.

Dadwaynihii kasoo qayb galay xafladdii xilwareejinta ee shaqada uu kula wareegayay C/nasir Shubka waxaa lagu soo bandhigay barnaamij filim gaaban ah oo ka hadlaya, sida dalka Soomaaliya uu bari ahaan jiray iyo sida waqtigan la joogo uu yahay.

Filimkan oo uu soo diyaariyay ururka waddaniga ayaa ahaa mid dadwaynihii kasoo qayb galay kulanka qiiro ku reebay. Waxaa halkaasi lagu daawaday muuqaallo naxdin leh oo muujinaya sida baaxadda leh ee uu dalkeenna Soomaaliya u bur buray, dhimashada iyo dhaawaca joogtada ah ee dadka shacabka soo gaaraya.

Dhinaca kale waxaa dadwaynihii kasoo qayb galay kulanka loo bandhigay bandhig gaaban oo mada daalo iyo su’aalo isugu jiray, oo dadka fadhiga ku daalay lagu baraarujinayay . Ugu danbayntii guddoomiyihii hore ee Ururka waddaniga Soomaaliyeed Kamaal Xaaji Guuleed ayaa inta uusan qoraalladii ururka ku wareejin guddoomiyaha cusub wuxuu halkaasi uga mahad celiyay dhamaan intii lasoo shaqaysay oo guddoomiyahan cusub uu kamid yahay, wuxu kaloo ammaan usoo jeediyay xubnihii waddaniga ee kala jooga dalka iyo dibadda ee sida hagar la’aanta ah isku garab taagay. Kamaal Xaaji Guuleed wuxuu xusay inuusan ka daali doonin shaqada ururka waddaniga , sidii hore si lamid ahna uu ugu halgami doono Umadda Soomaaliyeed. Dabadeed wuxuu qoraalladii , iyo document-yadii kale ee Waddaniga uu ku wareejiyay Guddoomiyaha cusub, kadibna ay is laab qaadeen .

Sidoo kale guddoomiyaha cusub C/naasir Shubka ayaa u mahad celiyay Kamaal Xaaji Guuleed oo sheegay in 2-dii sano ee lasoo dhaafay in Kamaal dadaal xooggan uu muujiyay. Wuxuu kaloo xusay inta awooddiisa ah inuu ku dadaali doono sii horumarinta ururka.

C/naasir wuxuu kaloo u dar daarmay shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Soomaalida Pakistan inay sugayso xaalad adag oo ah wax u qabashada dadkooda iyo dalkooda. Wuxuu tusaale way u soo qaatay in waaliddiinta dalka Soomaaliya jooga ay ku sheekaystaan dadka Soomaaliya bad baadin lahaa ay ayaga yihin. Wuxuuna codsaday sida loogu xisaabtamayo inay u dadaalaan.

Waddaniga Media Karachi, Pakistan