| Ururka Waddaniga Soomaaliyeed oo magacaabay Xubnaha Sanadka 2010 - 2011 |
Ururka Waddaniga Soomaaliyeed oo ah urur loo aasaasay taakulaynta iyo wax u qabadka umadda Soomaaliyeed ee dhibaatada kusoo jirtay ku dhawaad labaatanka Sano waxaa markii dhidibada loo aasay ka soo wareegtay muddo hal sano ah, xilligaasi oo ahayd 15 May 2008.
Waxaa guntiga dhiisha isaga dhigay muruq iyo maalna u huray isla markaana gun dhiggiisa lahaa dhallinyaro mutadawiciin Soomaaliyeed oo ay ka go’nayd waddaniyadda iyo dal jacaylku.
Dhallinyarada lahayd aasaaska ururkan waxay ku kula sugnaayeen xilligaasi dalka gudihiisa iyo dibaddiisa , waxayna ku guulaysteen waqti dheer iyo waayo kadib inay unkaan ururka waddaniga Soomaaliyeed.
Dhamaan bahda ururka waddaniga soomaaliyeed waxay hambalyo salaan u dirayaan xubnaha sanadkaan ku guulaystay, waxaan leenahay dadaalkiina iyo kaalinta aad ka qaadateen hirgalinta ururka waa mid aad u weyn, bahda ururka waddaniguna idinma hilmaami doonaan waana idiinka mahad celinayaan. Waxaan idin leenahay dadaalkiina sii laba jibaara Allana ha idinka abaal mariyo niyad wanaagiina iyo dhabar adaygiina iyo sida aad ugu hanwayntihiin inaad bulshadii aad ka dhalateen oo dhibaatadu aafaysaa wax u qabataan
Xubnaha Sanadka 2010 - 2011
1- Abdullah Yalaxow (Shariifka) Stocholm, Sweden
2- Abdullahi Jama Boqor Toronto, Canada
3- Kamal Xaaji Guuleed Fargayax Karachi, Pakistan
Maxamed sh. Macquul
Dimishiiq, Suuriya.
|